Wasiirrka arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya oo la kulmaysa xog-hayaha arrimaha dibada Britain

by Somali | Thursday, Jan 3, 2013 | 24 views

Britain : HN : Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirrka arrimaha dibada xukuumada Soomaaliya oo xiligan booqasho ku jooga dalka Britain ayaa lagu wadaa in ay maanta kulan la qaadato xog-hayaha arimaha dibada dalkaas William Hague.

Labada mas’uul ayaa lagu wadaa  in ay kulankooda uga wada hadllaan xaalada dalka Soomaaliya, iyo waliba xoojinta xiriirka labada dowladood Soomaaliya iyo Britain.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa lagu wadaa in ay isla soo qaadaan shir bisha May ee sanadkan ka dhici doona magaalada London ee dalka Britain, kaasoo looga wada hadlli doono wixii ka qabsoomay shirkii London ka dhacay bishii February ee sanadkii ina dhaafay.

Waxaa la filayaa in shirkaas ay ka qeyb-galaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu horkacayo madaxweyne Xassan Shiikh Max’uud.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!