Wasiirrka gaashaandhiga Soomaaliya oo la kulmay safiirka dowladda Suudaan

by admin | Tuesday, Nov 25, 2014

Muqdisho : HN :– Wasiirrka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya Max’ed Sheekh Xassan Xaamud ayaa kulan la qaatay safiirka dowladda Suudaan u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Yuusuf Ibraahim, oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal.

Wasiirka iyo safiirka waxa ay isla soo hadal qaadeen sidii dowladda Sudan ay u xoojin lahayd taageerada ay siineyso Soomaaliya, gaarXamid ahaan dhinacyada tababarada ciidamada iyo deeqadaha waxbarasho oo ay Sudan siineyso Soomaaliya.

Wasiirrka gaashaandhiga oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in Danjire Maxamed Yuusuf ay isla garteen sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dal, isagoo xusay in ay jiraan 150 dhalinyaro ah oo Wasaaradda Gaashaandhigga u dirtay dalka Sudan, kuwaasi oo loo tababarayo leyli sargaal.

“Waxyaabaha aan isla soo qaadnay waxaa ugu horeysa sidii xiriirka labada dal loo xoojin lahaa, safaaradda Sudan waa tan kaliya ee aan marna la xirin tan iyo bur burkii dalka ka dhacay, waxaa jirtay in aan dalka Sudan u dirnay dhalinyaro loo tababarayo leyli sargaal, arrimahaas iyo kuwa kale ayaan ka wada hadalnay” ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya.

Hiiraan net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!