Wasiirka gaashaandhiga xukuumada aan wali la ansixin soo gaaray Muqdisho

by admin | Thursday, Feb 5, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirka magacaaban ee Difaaca soomaaliya Mudane C.qaadir Sh Cali Diini oo muddoyinkii ugu dambeeyay ku noolaa dalka Mareykanka ayaa maanta lagu soo dhaweeyay garoonka diryaaradaha Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho.

Jen C/qaadir Cali Diini Waxaa Garoonka ku soo dhaweyay Saraakiil  ciidan iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo ay kamid ahaayeen Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka.

Ra’iisal wasaare Sharma’arke  ayaa Jen oo horay u soo noqday tiliyihii ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed u magacaabay Wasiirka20150205_061528-620x264 Difaaca isagoo kamid ah taliyaashii ugu firfircoonaa ee soomaray xoogga dalka Soomaaliyeed xilli dalku uu ku jiray Xaalad adag iyo Dagaal ka dhan ahaa Argagixisada Al-shabaab.

Imaashiyaha wasiirrka magacaban ee gaashaandhiga ayaa imaneysa xili wali aan la ansixin xukuumada uu ka midka yahay oo la leeyahay waxaa lagu sameyn doonaan dib u eegis ballaaran kaddib markii ay siddaa dalbadeen xildhibaannada baarlamaanka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!