Wasiirrka garsoorka Faarax C/qaadir oo maanta tababar u soo xirray shaqaallaha wasaarrada

by admin | Sunday, Oct 26, 2014

Muqdisho : HN :– Wasiirrka wasaarrada garsoorka iyo cadaallada xukuumada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho tababar ugu soo xirray shaqaalle ka tirsan wasaarrada.

Wasiirka ayaa wareegto uu maalintii shalay soo saaray ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya waxaa looga qaaday xilka uu hadda ku shaqeynayo ee wasaarrada garsoorka iyo cadaallada, hasse ahaatee waxaa muuqata in uusan u hogaasamin xil ka wareejinta uu ku sameeyay ra’iisal wasaaraha, sidda daraadeed uu iska sii wato shaqadiisii wasaarrada.

“Ujeeddada tababarradan laga leeyahay waa in dadka Soomalaiyeed ee  u shaqeeya dowladda ay noqdaan dad shaqada lagu aamini karo, kuwo lagu aamini karo mas’uuliyada dawladadeed, hantida ummadda iyo higsiga aynu ugu jirto dhismaha dawladnimada Soomaaliyed oo aan hubo inay maanta marayso meel aad iyo u wanaagsan,” ayuu yiri wasiirka garsoorka.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waxaan u ballan-qaadayaa intii awoodayda iyo tan wasaaradda ah in xooggeenna la galiyoFaaraxCabdulqadir20140630 tayaynta shaqaalaha. Taasoo aanu doonaynaa inay ka muuqato shaqadeenna, dhaqankeena, muuqaalka qofka shaqaynaayo, goobta lagu shaqaynaayo iyo inaan ka gudubno maxaa iga galay dawlad baa iska leh. Dhaqankaas inuu dhamaado ayaan rajaynayaa. Qarankan idinka ayuu idiin baahan yahay.”

Mar uu ka hadlayay howlaha wasaaraddu wado ayuu xusay inay garsoorka iyo dastuurkaba meelo wanaagsan marayaa, iyadoo shuruucdii garsoorka qaarna la dhameystiray inta kalena lasoo dhamaystiri doono. Wuxuu kaloo sheegay in gudigii arrimaha dastuurka ay Xamar soo galeen oo hawshooda billaabeen.

Wasiirka ayaa sheegay inay wasaaraddiisa xoogga saarayso ka faa’iidaysiga khubarada Soomaalida ah ee awoodda u leh inay tababaraan shaqaalaha wasaaradda halkii ay u diri lahaayeen safar tamashlayn ah oo dibadaha loo aado, kharash badana lagu bixiyo. Taa badalkeeda waxay wasaaradda xoogga saartay in shaqaalaha aqoonta leh ee jooga ay siiyana tababarro kuwa aqoontooda hooseyso halkii khubara ajnabi ah xoogga la saari lahaa.

“Dhaqanka tababarka ee ah in hoteello la aado, shaqada laga maqnaado oo dibadaha la wareego, hoteel ajnabi la seexdo, lacag badan ay ku baxdo  iyadoo aqoontaas mid la mid ah dadkii lahaa ay dalka joogaan waa nasiib-darro. Dhaqankaas waan badalnay waana uga mahad-celinayaa Waaxda qorshaynta iyo tababarrada wasaaradda. Wixii aan ka maarmi wayno annaga ayaa na naqaana cida aan u dirsanayo,” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo ku gacan-seyrey xil ka wareejinta wasiirrka ayaa ku war-galiyay dhamaan wasiirrada ay saameysay isku shaandheynta ra’iisl wasaaraha in ay shaqadooda si caad ah u sii wataan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!