Wasiirrka warfaafinta oo faah faahin ka bixiyay shir uu uga soo qeyb-galay dalka Turkiga

by Somali | Friday, Dec 7, 2012 | 1 views

Muqdisho : HN:  Wasiirrka wasaarrada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa ka warbixiyay shir caalami ah oo uu uga soo qeyb-galay dalka Turkiga.

Wasiirrka waxaa uu sheegay in shirku uu ahaa kii shanaad oo sida uu sheegay ay yeeshaan wadamada ku jira Jaamacada carabta iyo dalka Turkiga, kaasoo lagu casuumay dowladda Soomaaliya oo uu isaga ku matalayay shirka.

Waxaa uu sheegay shirkaasi siweyn looga oo qaaday xaalada dalka Soomaaliya marxaladii ku-meel-gaarnimada oo laga baxay, isaga oo intaa raaciyay in ka qeyb-galayaasha shirka siweyn ugu riyaaqeen isbadalka la taaban karo ee dalka ka hana-qaaday.

‘’Xubnihii ka qeyb-galay shirka waxaa ay sheegeen in ay si dhaw ula socdaa xaalada Soomaaliya, kuna faraxsan yihiin hormarka ka jira dalka ayuu yiri,’’ wasiirrka.

Waxaa uu sheegay in dhamaan dowladdihii ka soo qeyb-galay shirkaas ama xubnihii goob jooga ka ahaa balan-qaadeen in ay si dhaw ula shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!