Wasiirro-arrimo dibadeedka IGAD oo la fillayo in uu shir uga furmo Muqdisho

by admin | Wednesday, Jan 7, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiirada Arrimaha dibada urur Goboleedka IGAD ayaa horaanta todobaadka soo socda shir uga furmaya magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo shirkan uu yahay kii u horeeyay ee Wasiiro arrimo dibadeedyada IGAD ku yeeshaan Soomaaliya muddo 24 sano kadib ah.

Ila-wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in shirkan uu dhici doono 10-ka bishan Janaayo oo ku beegan maalinta Sabtida ee soo socota.

Qaban- qaabada shirka Wasiirada Arrimada Dibada IGAD ayaa bilaabatay, waxaana la filayaa in shirkan uu noqdo mid hal maalin ah, iyadoo wasiirada arrimaha dibada ee ku jira Dallada IGAD ay Muqdisho yimaadaan, si ay shirkaas uga qeyb galaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in inta badan Wasiirada Arrimaha dibada dalalka Gobolka ay Muqdisho imaan doonaanIGAD_Ministers maalinta sabtida ee soo socota.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu shirkan furo, maadaama ay muhiimad gaar ah u tahay dowladdiisa oo markii u horeysay marti gelin doonta shirka wasiirada Arrimaha Dibada IGAD.

Inta badan shirarka Wasiirada Arrimaha Dibada ayaa ka dhici jiray dalalka Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo kuwa xubnaha ka ah, waxaana Gudoonka IGAD sanadkan heysa dowladda Itoobiya, waxaana suura gal ah in Soomaaliya ay dhowaan qabato Madaxtinimada IGAD.

Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa xubno ka ah dowladdaha Soomaaliya, Kenya, Jabuuti, Itoobiya, Uganda, Sudan iyo Koofurta Sudan oo labo sano ka hor ku soo biirtay, waxaana horay isaga baxay xubinimada Ururkan dowladda Eritrea.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!