Wasiirro arrimo dibadeedka wadamada Kenya iyo Itoobiya oo goor dhaw gaaray Kismaayo

by admin | Thursday, May 7, 2015

Kismaayo : HN :–Waxaa goor dhaw gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba wasiiro arrimo dibadeedka wadammadaTer Itoobiya iyo Kenya Tedros Adhanom iyo Amina Mohamed.

Sida ay sheegayaan wararka wasiiradan Arrimaha Dibada Kenya iyo Itoobiya ayaa ka qeyb geli doona xaflad loo sameynayo Baarlamaanka Jubba, kaasoo dhowaan la soo dhameystiray, isla markaana soo doortay Guddoomiye iyo labo kuxigeen.

Wararka ayaa sheegaya in wafuudyo ka socda wakiilada beesha Caalamka ayaa iyana ku wajahan Kismaayo, si ay uga qeyb galaan caleema saarka Baarlamaanka Jubbaland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud uu isna ku wajahan yahay Kismaayo, si uu uga qeyb galo munaasabada loo sameynayo AminoBaarlamaanka Jubba.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana ay noqoneysaa markii u horeysay oo Wasiiro arrimo dibadeed ka socda Itoobiya iyo Kenya ay tagaan magaaladaas.

Inkastoo la calleemo saarayo hogaanka baarlamaanka maamulka Jubba, ayaa haddana dhinaca kale waxaa jira eedeymo loo jeedinayo habka loo dhisay maamulka maamulkaas.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!