Wasiirro ugu baaqay ra’iisal wasaaraha in uu is casillo

by admin | Monday, Nov 17, 2014

Muqdisho : HN :– Tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu soo ifbaxay khilaafka baahsan ee u dhaxeeya madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo ra’iisal wasaare C/wali Sheekh Axmed, islamarkaana khilaafkaas uu saameyn ku yeeshay xildhibaannada baarlamaanka, ayeey ugu baaqeen xubno ka tirsan gollaha wasiirrada ra’iisal wasaare C/wali in uu is casillo.

Wasiirrka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre oo u hadllay wasiirrada ayaa sheegay in go’aankaas ay qaateen markii ay arkeen marxaladda siyaasadda uu dalku marayso, isla markaana ra’isul wasaare C/weli Sheekh uu yahay midka fududeyn kara xal u helida mushkiladda haatan taagan.

“Annagoo dhowr iyo toban wasiir ah ayaan ra’iisul wasaaraha Somalia xalay gaarsiinnay qoraal aan kaga dalbanayno inuu is-casilo, waxaana kula talinay inuu noqdo qofka xil-kaska ah oo fududeeya in dhibaatada taagan uu noqdo ninkii xalin lahrwasaare-cabdi-weli-91aa. 16 wasiir baan nahay… inkastoo labo wasiir shaqo noogu maqan yihiin inta kale ayaa saxiixday qoraalka,” ayuu yiri Goodax.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in RW C/weli uu eego danta guud ee dalka, maadaama khilaafka uu saameeyay hay’adaha dowladda, lagana doonayo ra’iisul wasaaraha inuu qaato go’aan geesinimo leh.

“Waxaa fiican in danta guud iyo danta dalka uu eego, way cadahay inuu madaxweynaha lumiyay kalsoonida uu ku qabay ra’iisul wasaaraha, ayna xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan soo jeediyeen inay kalsoonida kala laabanayaan, ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka arrimaha gudaha.

Wasiirrada saxiixnaa warqadda loo gudbiyay ra’iisul wasaaraha ayaa waxay kala yihiin:

  1. C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka,
    02. Faarax Sh. C/qaadir, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka
    03. Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Maalliyadda
    04. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Wasiirka Gaashaandhigga 
    05. Daa’uud Maxamed Cumar, Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka
    06. Khaalid Cumar Cali, Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada
    07. C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Arrimaha Dibadda
    08. Jaamac Axmed Maxamed (Oday), Wasiirka Tamarta iyo Biyaha
    09. Luqmaan Sheekh Ismaaciil, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada 
    10. Yuusuf M. Amiin (Baadiyow), Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
    11. Saciid C/llaahi Maxamed, Wasiirka Qorsheynta
    12. Cabdi Axmed Baafe, Wasiirka Beeraha
    13. Maxamed Coloow Baroow, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
    14. Nadiifo Maxamed Cusmaan, Wasiirka Howlaha guud iyo dib-u-dhiska

Illaa hadda ra’iisul wasaaraha Somalia wax jawaab ah kama bixin qoraalka ay wasirrada xukuumaddiisa ka tirsan uga dalbadeen inuu is-casilo, iyadoo sidoo kalena aan la ogeyn mowqifka uu ka istaagi doono.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!