Wasiiru-dowlaha warfaafinta” ma jiro dagaal dhaxmaray ciidammada dowladda iyo kuwa maamulka Jubba

by admin | Thursday, Oct 8, 2015

Muqdisho : HN :–Wasiir-u-dowlaha wasaaradda gaashaan-dhigga dowladda Soomaaliya Max’uud Cali Xagaa ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay inaysan jirin wax dagaal ah oo dhexmaray ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa maamulka KMG ah ee Jubbaland.

iWasiiru-dowlaha ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Sidaad ogsoon tihiin ciidanka xoogga dalka ee saldhigga 43-aad ee ku yaalla 2015108635798950543623698Wasiir_u_dowlaha_Gaashaandhigga_Xagaa_660Kismaayo waa ciidamada ugu horreeya ee la isku-dhafayo, kana kooban kuwo laga kala keenay dhammaan degmooyinka gobalka Jubbadda Hoose. Waxaa isku-dhafkooda qayb weyn ka qaatay madaxda dowladda federaalka Somalia iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Waxaa kaloo uu intaa ku darray ” ciidamamda xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland waxaa ka dhaxeeya wada-shaqeyn iyo iskaashi aad u wanaagsan, waxayna heegan u yihiin difaaca dalkooda iyo soo celinta amarka iyo kala dambeynta.”

Waxaana sidoo kale lagu yiri qoraalka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, meel kastoo ay ku sugan yihiin kuma lug yeelan karaan wax ka baxsan waajibka Qaran ee saaran. Sidaas darteed waxaan caddeynayaa buu yiri inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in 02-dii bishaan Oktoobar, 2015-ka uu dagaal dhax-maray ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka jubbaland.

Ugu dambeyn, wasiir-u-dowle Xagaa ayaa uga mahad-celiyay mas’uuliyiinta Qaranka iyo maamulka Jubbaland wada-shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin ciidanka xoogga dalka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!