Waxgarad ku baaqay in la ilaaliyo amaanka odayaasha dhaqanka

by Somali | Friday, Dec 7, 2012 | 3 views

Muqdisho : HN  :  Kadib markii habeen hore degmada Wadajir ee gobollka Banaadir rag hubeysan ku toogteen mid ka mid ah odayaashii dhaqanka ka mid ahaa shirkii lagu ansixiyay dastuurka laguna soo dhisay baarlamaanka xiligan shaqeynaya, ayaa waxaa arintaa siweyn uga qeyliyay odayaasha dhaqanka gaar ahaan kuwii ka qeyb-galay shirkii lagu ansixiyay dastuurka.

Odayasha oo shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in alle ha u naxariisgteen nabadoon Max’ed Max’uud uu ahaa xubin fir fircoon oo ka tirsanaa odayaasha, iyaga oo intaa ku darray in dilkiisa naxdin weyn ku noqotay dhinacooda.

Ugaas C/llaahi Ugaas Xaashi Faracade oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in wax loo dul qaadan karo aheyn kooxo sida uu hadalka u dhigay wax ma garato iska laayaan odayaasha dhaqanka, isaga oo baaq u dirray dowladda Soomaaliya.

‘’Dowladda waa in ay xil gooni ah iska saartaa ilaalinta odayaasha dhaqanka, gaar ahaan odayaashii wax ansixiyay dastuurka ay maanta ku shaqeyneyso soo dhisay baarlamaanka,,’’ ayuu yiri,’’ Ugaas C/llaahi Ugaas Xaanshi.

Nabadoonka habeen hore lagu dillay degmada Wadajir ayaa noqonaya marxuum-kii labaad ee laga dillo ergadii wax ka ansixisay dastuurka, kuwaasoo hadda ku kala firirsan magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka Soomaaliya.

Kooxda Al-shabaab ayaa horay wacad ugu martay in ay mid mid u ugaarsan doonto odayaasha dhaqanka wax ka ansixiyay dastuurka dhinaca kalana soo dhisay baarlamaanka.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!