Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay afafka hore ee garoonka diyaaradaha Muqdisho

by admin | Wednesday, Dec 3, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa goor dhaw ka dhacay afafka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho weerar Ismiidaamin ahaa oo lala eegtay gadiid sidda la sheegay ay la socdeen xubno ka tirsan QM.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lala bartilmaameedsaday gaari ay leeyihiin UN-ka oo wadada marayay.

Wadada ayaa gebi ahaanba la xiray, waxaana goobta soo buux dhaafiyay Ciidammo ka tirsan AMISOM oo ka soo baxay Xerada Xalane.qarax

Qaramada Midoobey ayaa xafiis ku leh Garoonka diyaaradaha, sidoo kale Ciidamada AMISOM ayaa xarun weyn oo aad ammaankeeda loo ilaaliyo ku leh Xalane.

Wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo isgoyska KM4 ayaa ah goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo, waxaana inta badan ciidamo ay ku sugan yihiin wadooyinka laga aado garoonka diyaaradaha.

Weerarka ayaa wax yar uun ka danbeeyay xili uu halkaa maray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo u dhoofay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!