Weerar ismiidaamin ah oo lagu burburiyay hoteelka Jaziira ee magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Jul 26, 2015

Hotel_Jazeera_Muqdisho_SomaliaMuqdisho : HN :–Inta la og-yahay ilaa labaatan ruux ayaa ku geeriyootay in ka badanna waa ay ku dhaawacmeen weerar ismiidaamin ah oo gallinkii danbe ee maanta lala beegsaday Hotel Jaziira oo ku yaalla Waddada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Al-shabaab.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo Qaraxan ayaa Sheegaya in Gaari Waxyaabaha Qaraxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay dhismaha Hoteelka oo ku dhow dhismaha ay deggen tahay Xarunta UNDP ee Muqdisho.

“Qarxa weyn ayaa lala beegsaday Hoteelka Jaziira, kaasoo dhismaha oo dan burbur xoogan u geystay; waxaana ku dhintay dad badan oo isugu jiray dadkii Hoteelka deggenaa iyo laba wiil oo Mooto watay, kuwaasoo weli ay maydadkoodu yaallaan meelihii ay ku dhinteen,” ayuu yiri Goob-jooge ku sugan meel ku dhow Hotel Jaziira.

Qaraxii_Jazeera_Hotel_Muqdisho_2Hotel Jaziira ayaa waxaa deggenaa xubno ka tirsan Dowladda Somalia, Safaaradaha laba waddan oo kala ah Imaaraadka Carabta iyo Qatar, waxaa kaloo deggenaa dublamaasiyiin caalami ah iyo weliba dad kala duwan oo Soomaali iyo Ajnabi ah.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay maalmo ka hor kala Wareegeen Al-shabaab degmooyinka Diinsoor ee Gobolka Bay iyo Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!