Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday saldhig ciidammada Jabuuti ku leeyihiin Beledweyne

by wadani | Tuesday, Oct 25, 2016

Beledweyne : HN : -Weerar lagu bilaabay gaari walxaha qarxa laga soo  buuxiyay ayaa goor dhaw lala eegtay Saldhigga Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay ku leeyihiin Baladweyne, gaar ahaan Xaafadda Hawl-wadaag ee Dhanka Galbeedka Magaalada.

Rasaas culus  dhacayso gudaha saldhigga ciidamada Jabuuti ee lagu weeraray gaariga ismiidaaminta ah.

Qaraxan ayaa waxaa ka horreeyay waxyaabaha Qarxa oo saacado ka hor lagu aasay waddo ka mid ah kuwa Baladweyne oo ay fashiliyeen Ciidanka Dowladda Federaalka Somalia.

Dhanka kale, Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay Weerarkaan is-miidaaminta ah, iyadoo aysan jirin cid sheegatay, waxaana Baladweyne oo dhan haatan lagu soo daadiyay ciidammo fara badan, iyadoo shacabkuna ay billaabeen inay kala cararaan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!