Weerar laga qaaday guri Guri-ceel uu ka degan yahay Cabdi Waal

by wadani | Sunday, Nov 27, 2016

Guri-ceel : HN :-Wararka ka imanaya degmada Guri-ceel ayaa sheegaya in ciidammo ka tirsan Ahlu Sunna weerar ku qaadeen guri degmada uu ka degan yahay siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal).

Siyaasigan, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waxaa uu ku noollaa Xarunta Maamulka Ahlu Sunna, kadib markii laga soo sii daayay xarunta hay’adda nabad-sugida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ahlu Sunna, ayaa hoyga Cabdi Waal waxay galabta taggeen, xilli uu ka maqnaa, iyagoona ugu tagey ilaalada hoygiisa iyo hub ah.

Waxaase soo baxaaya warar sheegaya in Cabdi Nuure Siyaad uu maalmahaanba ku hawlanaa arrimaha Maamulka Hirshabelle, isagoo markaasi ka soo gelaaya dhinaca Magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan. Matabaan waxaa ka arrimisa Ahlu Sunna.

Ugu danbeyntii, saraakiisha Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa Dhacdo.com u sheegay in ay dib ka soo faah faahin doonaan, waxa ku khasbay duulaanka ka dhanka ah Cabdi Waal, oo siyaasad ahaan ay aad isugu dhow yihiin.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!