Weerar lagu qaaday xarunta AMISOM ee Xalane ku taala

by Yahye | Thursday, Dec 25, 2014

Muqdisho: HN:- Wararka ka imaanay xarunta ciidamada AMISOM ee ku taala Xalane ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay weerar culus ku qaadeen xarunta ugu weyn Taliska AMISOM Ee Xalane magaalada Muqdisho.

Xarunta la weeraray ayaa ah goob amaankeeda si aad ah loo adkeeyo, waxaana ku sugan Ciidamada Midowga Africa oo halkaasi gaaf wareega.

Ilaa iyo hada waxaa adag in la helo faah faahin rasmi ah oo ku aadan weerarkan, oo la sheegayo inuu ku bilowday qaraxyo iyo rasaas.

Dad goob jogaal ah ayaa soo sheegaya inay maqleen jugta qaraxyo culus iyo rasaas xigtay, waxaana dadka degan xaafadaha ka ag dhow goobta qaraxu ka dhacay aay muujinayaan baqdin xoogan.

Wali ma jirto cid sheegatay weerarkan waxaase loo maleynayaa in aay ka dambeeyaan AL-shabaab oo ah koox la dagaalanta ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Somalia.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!