Weerar xalay lagu qaaday labo goobood magaalada Boosaaso

by admin | Monday, Apr 6, 2015

Boosaaso : HN : — Kooxo hubeysan oo looga shakisan yahay inay Ururka Al Shabaab ka tirsan yihiin, ayaa xalay weeraray laba goobood oo ku yaala Magaalada Boosaaso, waxaana la soo sheegayaa in khasaarooyin kala duwan ay weeraradasi ka dhasheen.

Kooxdan, ayaa weerartay halka loo yaqaano Karaama One oo Check Point ay ku lee yihiin Ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso, waxaana ka dhacay iska horimad fool ka fool ah.

Weerarka labaad, ayaa lagu qaaday guri uu Magaalada Boosaaso ka degganaa Duqa Magaalada Carmo Maxamed Cali Shire, iyadoo halkaasi lagu dilay laba ka mid ah ilaaladiisii, markii ay iska caabin ugala hortaggeen kuwii weerarka soo qaaday.

Ciidamada Booliska Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa lagu arkayaa wadooyinka, iyagoo xaqiijinaya ammaanka, una diyaarsan inay ka hortaggan weeraro kale oo Magaalada ka dhaca.

Shabaabka hubeysan ee ka dagaalamaya dalka Somaliya, ayaa xilliyada qaarkood weeraro gaadmo leh ka geysta Magaalada Boosaaso, xilli Ciidanka Puntland ay kula dagaalamayan buuraha dhirirsan ee Golis.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!