Weeraradii Al-shabaab oo hoos u dhac uu ku yimid

by admin | Monday, Sep 29, 2014

Muqdisho : HN :– Dhimashada Godane kaddib waxaa muuqata hoos u dhac xooggan oo laga dareemayaa weerarradii iyo hawl-galadii ay fulin jirtay kooxda Al-shabaab.

Al-Shabaab waxaa ay xiriir la leeyihiin Al-qaacida oo duniddu la dagaallanto,waxaa ay kooxdu weerarro culus ka gaysan jirtay gobollada dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho, balse dhawr toddobaad oo uu mootan yahay Axmed Godane waxaa soo yaraanaya dilalka qorshaysan ee ka dhacaya dalka.

Inkastoo bilihii danbe cadaadiskooda miltari ay xoojiyeen ciidanka DF iyo kuwa Amisom hadana waxaa la dareemayaa gaabis dhanka dagaalkaa oo ku yimid Alshabaab.

Al-shabaab ayaa weeraro iyo dilal qorshaysan ka fulin jiray magaalooyinka gacantooda ka maqan, waxaana dilalka qorshaysan ee uguAl-Shabaab fighters badan ay la bartilmaameedsan jireen saraakiisha iyo ciidanka nabad sugidda Soomaaliya.

Dad badan ayaa aaminsan hoos u dhacaasi inuu yahay burbur ku yimid mukhaabaraadka kooxda gaar ahaan kooxda amniyaadka, halka dadka qaarna ay aaminsan yihiin in hogaanka cusub uu diyaarinayo qorshe ka duwan kii Axmed Cabdi Godane.

Dawladda federaalka ee Soomaaliya oo kaashanaysa ciidanka midawga Afrika ee AMISOM ayaa dhawrkii bilood ee u danbeeyay la wareegay gacan ku haynta deegaanno badan oo ay horay u maamuli jirtay kooxda Alshabaab.

Dhawaanna madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la cafin karo lalana hadli karo dhallinyarada Soomaalidaa ee Alshabaab u dagaalama balse dagaalyahanada iyo saraakiisha ajaanibtaa ay u furan tahay oo kaliya inay dalka ka baxaan oo ay ku noqdaan meelihii ay ka yimaadeen.

“Waxyaabaha kale ee dunidu ay ku qanacday waxaa ka mid ah in marka la eego dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ay Somalia tahay dal u muuqanaya inuu ka guuleysanayo kooxahaas oo caalamka intiisa kalena ku sii fidaya, dagaalka ay kula jirto kooxahaanna ay guulo muuqda ka gaartay,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Si kastaba kooxda xiriirka la leh ururka Alqaacidda ayaa sanadihii danbe lumiyay maamulidda deegaanno badan iyo khilaaf dhexdooda kaasoo sababay in saraakiil Soomaali iyo ajaanibba isugu jira laga takhaluso, waxaana taasi u dheerayday dilkii loo gaystay hogaamiyahoodii sare.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa AMISOM iyo Marekanka ayaa ku howlan sidii loo gaari lahaa deegaannada ay awooda xoggan ku leeyihiin Al-shabaab si dalka looga saaro.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!