Weerarkii Xalane oo 24 saac kaddib la soo gabagabeeyay

by admin | Friday, Dec 26, 2014

Muqdisho : HN :– Dabley la sheegay in ay ka tirsanaayeen xarrakada Al-shabaab oo maalintii shalay weerar ku qaaday xarunta Xalane ayaa la sheegay in ugu danbeyntii 24 saac kaddib lagu guuleystay in la soo afjaro weerarkaas.

Warar badan oo an laga helin ayaa sabab u noqday inan la baahin weerarka oo ilaa maanta soo gaaray,kaaso socday muddo ku dhow 24 saac.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa xalay ku hoyday qeyb ka mid ah xerada, iyadoo la sheegay in kooxdan ay aad u hubeysnaayeen, isla markaana wateen rasaas fara badan oo u suura gashay in muddo saacado badan ay ka dagaalameen.

Howlgalka lugu sifeynayay qar ka mid ah raggii weerarka soo qaaday oo xarunta ku dhex dhuumanayay,waxaa laAMISOM111 xaqiijiyay inay ka qayb-galeen ciidanka Soomaalida ee loo yaqaano,Gaashaan kuwaaso dhowr howlgal oo hore sida oo kale uga qayb-galay.

“Xabado goos goos ah ayaa laga maqlayay xalay ilaa saakay,balse xarunta maadaama ay aad u weyntay wax war ah kama aynan helin,”sida waxaa u sheegay Raxanreeb qof degan xaafadda Wadajir.

Weerarka waxaa ka dhashay khasaaro badan oo an wali la shaacin,balse waxaa la sheegay in khasaaraha uu isagu jiro ciidanka AMISOM iyo dad kale oo u badan caddaan, kuwaasoo xaflada ka qeyb qaadanayay xilliga weerarka ka bilaabinayay.

Sarkaal la hadlay warbaahinta gudaha waxuu sheegay dableyda weerarka qaaday inay ka galay xerada qeybta dhanka Isbitaalka Xalane looga aado, waxaana ay toogteen ilaaladii ku sugneyd xerada, waxaana ay u adeegsadeen rasaasta aan dhawaqooda la maqlin.

Sidoo kale,wararka ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ay doonayeen inay galaan Xero ay Hey’adda Bancroft ku leedahay Xerada Xalane, sidoo kalena ah hotel ay degaan saraakiisha caddaanka iyo dadka kale, balse aysan u suura gelin.

Tan iyo shalay waa ay adkeyd in warar rasmi ah laga helo xerada xalane, maadaama qaabka weerarka uu ku bilowday ay aheyd kuwa ka duwanaa weeraradii Al-Shabaab marka hore xarumaha ku furan jireen oo ahaa gaadiid qarax laga soo buuxiyay, laakiin raggii hubeysnaa ayaa toos xarunta u waajahay, iyagoo xirfado kala duwan adeegsanayay.

Ilaa iyo hada faah faahin rasmi ah lagama haayo weerarka iyo khasaaraha ka dhashay, inkastoo saakay howlihii duulimaad ee garoonka diyaaradaha uu caadi ku soo laabtay, waxaase wali taagan saameynta weerarka Xarunta Xalane oo aheyd goob ammaankeeda aad loo ilaaliyo.

AMISOM ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay shan ka tirsan dableydii ka dambeysay weerarka. Saddex askari oo ka tirsan AMISOM iyo qof rayid ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, sida ay AMISOM ku sheegtay boggeeda Twitter.

Al-Shabaab ayaa war kooban oo ay ka soo saartay weerarkan waxay ku xaqiijisay inay ka dambeysay, uguna aar-gudeysay hogaamiyahoodii hore, waxaana afhayeen u hadlay uu sheegay in weerarkan horu dhiciisa ay ku dileen ilaa 14 sarkaal oo AMISOM ah iyo afar sarkaal Caddaan ah.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegtay inay weerarka ku beegsatay xaflad ciidanka AMISOM ay ugu dabbaaldagayeen Ciidda Masiixiga oo saldhigga ka socotay.

Afhayeenka AMISOM Kornayl Cali Aadan Xaamud ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in ugu yaraan siddeed dabley ah ay galeen saldhigga. Saddex ka mid ah dableyda ayaa la toogtay, labo kale ayaa isku ag qarxisay bakhaar shidaalka lagu kaydiyo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!