Weeraro laga cabsi qabo in ay Al-shabaab ka geystaan dalka Burundi

by admin | Friday, Oct 31, 2014

Bujunbura :HN :– Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xarrakada Al-shabaab qorsheyso in ay weerar ku qaado magaalada Bujumbura ee Caasimada Brundi, iyadoo warbixin ka soo baxday Waaxda arrimaha Dibada Mareykanka lagu sheegayo inay jirto suura galnimada weeraro lagu qaado dalkaas.

Warkan ka soo baxay waaxda arrimaha dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in la helay xog ku saabsan in Al-Shabaab ay dhameystireen qorshihii u dambeeyay ee ay ku doonayaan inay weeraro culus kaga geystaan xarumo muhiim ah oo ku yaal Caasimada Brundi.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay dowladda Brundi inay qaado tallaabooyin xaga ammaanka ah oo ay ku hubineyso ammaanka, si loogaAl_Shabab_Milatent_Somalia baaqsado weeraro ka imaan kara Al-Shabaab.

Warka ka soo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab ay doonayaan inay bartilmaameedsadaan danaha Mareykanka ku leeyahay dalka Brundi.

Muwaadiniinta Mareykanka ayaa looga digay inay u safraan dalka Brundi, sidoo kale shaqaalaha safaarada Mareykanka ee Bujumbura ayaa lagu wargeliyay in aysan ka bixin xarunta Safaarada, maadaama ay bartilmaameed u noqon karaan weeraro.

Brundi ayaa ka mid ah dalalka Ciidamada u soo diray Soomaaliya, waana dalkii labaad ee ciidamada ugu badan ay ka joogaan, waxaana ay xilligan ay hogaanka u hayaan Ciidamada AMISOM.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!