WFP oo lagu eedeeyay in ay qeybiyaan raashin dhacay

by wadani | Wednesday, Dec 23, 2015

Muqdisho : HN :–Maamulka Koonfur-galbeed Somalia ayaa hay’adda cuntada adduunka ee WFP ku eedeeyay in ay dhibaato ku tahay wax soo saarka beeraha Soomaaliya, waxaana sida la sheegay ay hay’adu raashin dhacay ka qaybisay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka degmada Afgooye Cabdulaahi Xasan Toogane ayaa sheegay in hay’addu ay deegaanka keento masago dhacday, xilliyada ay soo go’ayaan dalag-yada kala duwan ee beeraha.

“Hay’adda masago ayey ka keenaysaa qaaradaha ugu fog-fog ee adduunka, waxaa macquul ah kiishka masagada ahoo waliba laga yaabo in uu 30-sano ku jiray bakhaar kayd ah in ay halkan ku keento lacag dhan $80,” ayuu mas’uulkan ku yiri hadal uu siiyay warbaahinta.

20151223635864537972632694Hay'adda_WFP_oo_la_eedeeyay_660“Annagana kiishka masagada ah ee cusub ee waliba fareeshka waxaa laga yaabaa in dalka gudihiisa lagu helo lacag dhan 20 dollar ilaa iyo $25 doollar, marka hadii ay hay’addu waxa qabanayso gallayda cusub ee dalkeena ka baxda inta ay gadato umadda dib ha ugu celiso “ ayuu mar kale yiri Toogane.

Guddoomiyaha ayaa arrin khatarteeda leh ku tilmaamay inay hay’adda WFP raashinka dhacay kusoo beegto, xiliyada ay soo go’ayaan dalag-yada qaybo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya.

“Waxaan arintan u dareensanahay caqli ahaan iyo waliba cilmi ahaa-ba in WFP ay lug-gooyo ku tahay Soomaaliya, sababtoo ah raashinka dalka kama gadato, misana xiliga ay bixinayso waa xiliga ay dalka wax u soo go’aan,“ ayuu mar kale tilmaamay Toogane oo arintan ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Ugu dambeyn, Hay’adda WFP ayaan ka hadlin cabashooyinka joogta ah ee kasoo baxaya beeraylada Soomaaliya, taasoo ku aaddan in hay’adda WFP ay niyad-jabinayso beeralayda Soomaaliyeed, kuwaasoo mararka qaar la kulma khataro ay kay mid-yihiin daadadka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!