Wiil dhalinyarro ah oo xalay lagu gowracay masjid ku yaala degmada Karaan

by admin | Tuesday, Oct 14, 2014

Muqdisho : HN :–Nin la sheegay in ay da’diisa u dhaxeysay 40-50 sano ayaa la sheegay in uu habeenimadii xalay uu ku gowracay masjid ku yaala xaafadda Arjantiin ee degmada Karaan.

Dad ku sugnaa gudaha demada ayaa sheegay in dhacdadan ay argagax weyn gelisay dhammaan muslimiintii tukanayay salaadda, iyadoo jameecadii masjidka ku tukanayay ay qaarkood masjidka isaga carareen, kuwo kalena ay qaylo billaabeen.

Ruuxa la gowracay oo ahaa wiil dhallinyaro ah ayaa magciisa lagu sheegay Axmed oo 20-sano jiray, isagoo ahaa mid si weyn looga yaqaannay xaafada lagu gowracay.

“Falkan wuxuu ka dhacay masaajid ku yaal degmada Kaaraan, gaar ahaan xaafadda Arjantiin, wiilka la dilay iyo ruuxa dilka geystayMuqdisho muran ayaa markii hore dhexmaray; ciidamada ammaanka ayaana gacanta kusoo dhigay ruuxii dilka geystay oo ka yimid Yurub, wuxuuna ahaa nin maskaxda dhibaato ka qabay,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka ammaanka Kaaraan, Maxamed Ibraahim.

Sheekh Axmed Tuur-yare oo ka mid ah maamulka masaajidka; C/raxmaan Bin-Cowf oo falkan uu ka dhacay ayaa sheegay inuu falkan naxdin weyn ku beeray dhammaan dadkii masjidka ku tukanayay, ninka la gowracay oo ay nafi ku jirto ayaa goobta laga qaaday, balse isbitaalka ayuu ku dhintay.

“Weligeen tanoo kale ma arag… dhacdo yaab leh ayay ahayd, wiilka la dilay wuxuu ahaa nin dhallinyaro ah, waxaana lagu magacaabi jiray Axmed, safka hore ayuu ku jiray nin wax dilay oo Yurub ka yimid ayaa mididii kaga jaray dhuunta. Salaaddii ayaa laga baxay dadkii oo dhanna baqdin ayaa  gashay,’ ayuu yiri Sheekh Tuur-yare.

Dhacdadan ayaa ku noqotay dadka reer Muqdisho arin cajiib ah oo siweyn looga hadal hayo guud ahaan magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!