Wiil uu dhalay C/raxmaan Faroole oo hooyadii ku dillay Garoowe

by admin | Thursday, Apr 9, 2015

Garoowe : HN :–Wararka naga soo gaaraya maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in maanta magaaalada Garoowe uu ku dillay Hooyadii wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee maamul gobolleedka Puntland C/raxmaan Faroole.

Wiilka ay dhashay marxuumada oo lagu magacaabo Cumar C/raxmaan ayaa la sheegay in xabad ay kaga fakatay hooyadiis, lamana helin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan geeridda marwada iyo waxa keenay.

Guddigan la magacaaby oo ay ku jiraan xubno Puntland xilal ka haya ayaa la sheegay inay u diyaar-garoobayaan aaska marxuumadBastoolad-12 Aamina Abiib oo si weyn looga yaqaanay guud ahaan deegaanada Puntland, gaar ahaan Garowe.

Madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa lagu waramayaa in uu ku soo wajahan yahay magaalada Garowe si uu uga qayb-galo aaska xaaskiisi hore,waxaana la sheegay in xabsiga la dhigay wiilka dilkeeda ka danbeeyay.

Ugu danbayn,madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas oo ka hadlay dilkan naxdinta leh ayaa tacsi gaar ah u diray madaxweynihii isaga ka horeeyay ee Cabduruxman Maxamed Sheekh Faroole iyo ehelada marxuumadda.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!