Wuu Is Xureeyey!!! (Sheeko Gaaban) W/Q: Axmed Max’ed Roble

by admin | Thursday, Jun 4, 2015

Daashoow Wuxuu ifka kusoo biiray iyada oo ay colaadi jirto. Aabihii Dooyoow wuxuu ahaa nin geesi, garyaqaan, gabyaa, aftahan, howlkar ah. dooyoow wuxuu beeshu u ahaa ninka ugu howlkarsan oo ugu shaqo badan taas waxeey dhaxalsiisay inuu noqdo ninka ugu xoolo badan gaar ahaan Geela oo Kun Halaad kor u dhaafayay. dhalasha daashoow waxey reerka u horseeday Waa cusub oo barwaaqo ah. Daashoow Hooyadii Waxeey Curatay Daashoow Dabadii 3 wiil & gabar oo kala ahaa Daqarre, Dauud, Gurrac & Dahabo. Dhamaan Caruurti Waa hanoqaadeen. Daashoow oo reerka curad u ahaa Wuxuu reerka u ahaa intii hore qof mas’uul ah. Wuxuu durba noqday guur –u- meer. Aabihii Dooyoow oo la hadlaya Wiilkiisa Daashoow baa Yiri “Aabe Dhaban & Quruxi Yeelkadeede, Naag laxjecli leh ha u labalugoodin”. Ugu dambeyntii daashoow Wuxuu Goostay inuu Guursado Deeqo oo gabar Gaari aheyd oo reerku oo dhan amaaneen Filkeedna Dhaaftay oo ka carceertay.

Waxaa idlaaday labbo sanno Daashoow & Deeqona Waxey nasiibsadeen Labbo Caruur ah oo Wiil & Gabar ahaa. Ballo’ Waxeey biloobantay markii deegaanku ay soo gaadhay Ciyaar dhaqameed loo yiqiin “Wilisiqo”. daashoow Wuxuu la dhacay Ciyaarta. Wuxuu ahaa qof fudud, Fiino ah, Fariidnimo & Ciyaar jeceyl hibo u lahaa. wuxuu si dhaqsi leh ku noqday fariid Wilisiqadi. Wuxuu lahaa xirfado badan sida tirinta Ereyada Wilisiqada. Iska daa aabihii dooyoow’e wuxuu iloobay reerkiisii & caruurtiisi. Wuxuu ciyaarta tartan Wilisiqeedka ugu Safri jiray isaga iyo saaxiibadii Dhulal fog oo maalmo loo safro. Isaga oo ku kajamaya si kalana ku faanaya Xoolo badnida adoogii oo hadana ciyaarta Wilisiqada tirinaya ayuu berry Yiri “ Caano Geeloow Col Kula tagyeey, Caloosheey Naga Cusleeyeen”. Daashoow Walaalihii Ragga ah Waxeey sidoo kale raaceen Walaalkood ka weyn Wadadiisii Waa tii hore loo yiri “Geela Yar Ka Weyn Saanqaadkiisuu Leeyahay”.

Wuxuu Waqtiga is guraba Waxaa dhanka kale dada’ ku socotay Daashoow aabihii Dooyoow oo rafaad, Daal & Dhib badan kala kulmay Dhaqida geela iyo barbaarinta caruurta yar yar ee Daashoow Dhalay. Wixii la joogaba waxaa Aleystay caruurtii Daashoow oo ku geeriyooday Webiga oo ku dheganaa reerka tuulada uu degenaa. Intaas oo Musiibo inta ay dhacayaan Daashoow & Walaalihii waa maqan yihiin. aaskii kadib Waxaa caadi kusoo noqday noloshii reeraha balse Oday Dooyoow waxaa ku dhacay isbadal badan iyo feker aad gaan u ah. Wuxuu ku dhibtooday howsha uu kaligii oo Oday Duq ah ku dilooday. Wuxuu sidoo kale ka welwelsanaa Mustaqbalka caruurtiisa aan Garaadka laheyn. Wuxuu ahaa Duqu mid aad aftahan u ah, Waayo-aragnimo nololeedna ay u wehliso Cilmi yar oo xaga sooyaalka, gabayada & Diintu ah.

Maalin maalmaha ka mid ah Isaga oo Waraabinaya Geeliisii yaraa ee ka haray inta duurka laga qunsaday, iyo intii kale ee Waraabe, Libaax & habar dugaag heleenba ayuu yiri Isagoo soo jiidaya Wadaanta uu ”Intaan Joogo Jooga, Markaan Jiito Jarma” wuxuu ugu dan lahaa Caruurta oo uu ka waday ha arkeen Nolosha Qaraar & Sida ay u taal. Waxeey Yimaadaan hadana sii Jarmaadaanba Waxaa Mowtki u Yimid Aabe Dooyoow Xili uu geyiga Abaar iyo gumeysi isbiirsaday Hayay reeruhu. Geeliina Waxaa kasoo haray In aan Mooro Buuxin. daashoow Wuxuu beeniyey Oraahdii aheyd “fuleyga, inteeyan u iman geeridiisii, nolosha ayuu 100 jeer ku dhintaa”. Wuxuu Fekeraba Wuxuu Goostay inuu raxan Geela ka mid ah Qunsado Sidii Nabi Maxamadna uu uga haajiray Maka uga Haajiro deegaanka uu joogay oo loo yaqaan Halgan. wuxuu soo Qabtay Koonfur. Wuxuu socdaba wuxuu Geedigiisii yimid meeshii uu rabay halkaas oo uu deganaa dhowr bilood kadibna ka iibiyey intii yareyd ee geela oo uu watay kuna iibsaday Gaari Dameer oo waagaa aad Qiime badan u lahaa Waqti walba iyo Waayihiisee Wuxuu Noqday Daashoow ilbax, geesi ah kuna biiray rafaad iyo orod badan kadib Ciidamo Dagaalkii 1aad ee aduunka kadib ay Isticmaarkii Ingriisku ka qorteen Muqdisho oo Tababar, saanad iyo Gunnoba ku helay Muqdisho. Daashoow Waxaa lagu xushay Bootinta oo uu aad ugu fiicnaa. Wuxuu si fiican u bartay Afka Talyaaniga oo uu Macalin ku Noqday. Wuxuu in badan ahaa askarta Munishiibiyada ee boonada jarta kadibna Daashoow Wuxuu Waardiye u Noqday Nin Garyaqaan ahaa Qaadi Maxkamadeedna ahaa oo ay isku Reer hoose ahaayeen oo isna Waa hore kasoo Haajiray dhulkii ay reeruhu degenaayeen.

Maalin Maalmaha ka mid ah oo uu Qaadigu Gar-eex sameeyey ayaa Dagaal ka dhashay Lagu dhaawacay Daashoow Waxaana loola soo orday Deegaanka Buundo Baraawe halkaas oo lagu daweeyey Shaqadiisiina uu kasii watay. Wuxuu isticmaar la shaqeeyaba waxaa ku Dhalatay Gobanimo raadin iyo dareen Wadaniyadeed oo Soomaaliyeed. Waxaa saameyn xoogan ku yeeshay erreyada Laashino badan oo deegaanka Taageero Leego ka ahaa Erreyada aadka u saameeyey Daashoow waxaa ka mid ahaa “Lammo Fiilo Fuurkoodaa Furunta leey Dhigaayi, Habarteey oo Faloowhaayso aa leeyga Fiirsahaayi” Wuxuu si hoose xiriir ula yeeshay rag sidiisoo kale Dareenkaa lahaa oo Muqdisho, B/weyne, Kismaayo & Hargeysa joogay. Wuxuu Noqday Mid ka mid ah wakiilada ururkii Gobanimo doonka ahaa ee dalka ka curtay Markii Dagaalkii 2aad ee Aduunku Idlaaday. Wuxuu u huray maal, Waqti, Hanti intii yareyd ee uu heystay isaga oo askari ahaa. Wuxuu lahaa rajo ah in jiilalka dambe ee soomaalida ah ay hormuud u noqon doonaan Qaadarada iyo Dunida, Mideynta Soomaalida Dhamaanteed, & Hormarkooda. Himilooyinkaa iyo kuwo kale oo badan ayuu lahaa isaga oo aanan wax bartii oo aqoon ah laheyn. Wuxuu Yeeshay Qoys Waxaa u Dhaxday Marwo Wadaniyad aheyd oo Qurux, Qaayo, & Qiime laheyd oo Qadarin uu ka heli jiray. Wuxuu gobanimadii dalka Calanka Soomaaliyeed ka taagay Deegaanka uu Deganaa ee buundo baraawe. Wuxuu noqday nin Walaalihii iyo reerihii uu ka yimid u soo safraan oo kusoo hirtaan. Waa la dalacsiiyey Wax yar kadib Gobanimadii dalka Wuxuuna ka Qeyb Qaatay Difaacidii dalka Afar Sanno kadib Gobanimadii. Dhaawac kasoo Gaaray & Xanuuno ay Waayeelnimadu la mataaneysnaa ayuu u Geeriyooday horaantii Curashada Towradii barakeysneed ee Kooxdiisa Milatarigu horkacayeen.

W/Q: Axmed Max’ed Roble
Email: amrooble10@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah