Xaalada deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan oo saakay degan

by admin | Sunday, Mar 22, 2015

Beledweyne : HN :– Xaalad deganaasho ayaa maanta ka jirta deegaanka Deefoow ee gobolka Hiiraan oo maalintii shalay dagaal culus uu ku dhaxmaray maleeshiyaad ka kala tirsan labo beellood oo mudo dheer ku dagaallamayay deegaannadaas.

Ugu yaraan 18 qof oo u badan maleeshiyooyinka dagaalamay ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dagaalkii shalay halka qaar20148196354404306945448827 kale ay ku dhaawacmeen, iyadoo xiisad colaadeed ay deegaankaas ka jirto wali.

Inkastoo maanta halkaa aysan wax dagaallo ah ka dhicin, haddana waxaa xusid mudan in wali labada maleeshiyo isku hor fadhiyaan deegaannadii lagu dagaallamay mar walbana fillan karo dagaal culus oo halkaa ka dhaca.

Ma jiro ilaa iya hadda wax hadal ah o oay mas’uuliyiinta maamulka gobolka ka soo saareen dagaalka iyo waan-waan socta oo la doonayo in labada dhinac lagu kala dhax-gallo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!