Xaalada deegaannka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo degan

by admin | Saturday, Dec 13, 2014

Balcad : HN :– Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xaalada deegaannka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha dhexe tahay  mid degan, kaddib dagaal maalintii shalay ku dhaxmaray halkaa ciidamada dowladda iyo dadka shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in isa horimaad hubeysan oo halkaa ku dhacay shalay uu ku dhintay taliyihii ciidamada deegaanka Xawaadley Cumar Xasan iyo gabar 9 sano jir ahayd.

Maamulka degmada Balcad iyo kan gobolka Sh/dhexe ayaa ku guuleystay in ay joojiyaan dagaalka isla markaana la dejiyo xiisada kaSomalia: Conflict dhalatay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Xawaadley.

Guddoomiyaha deegaanka Xawaadley Cabdulle Macaan Adeerow ayaa sheegay in xaaladu degen tahay isla markaana lagu guuleystey in la qaboojiyo iskahorimaadkii shalay ka dhacay deegaanka Xawaadley.

Ganacsiga iyo isu socodka dadka ayaa dib u biloway saaka iyadoo halkaasi ay gaareen odayaal iyo waxgarad ka tegey degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Deegaanka Xawaadley ayaa waxa uu ka mid yahay deegaanada caanka ku ah wax soo saarka beeraha iyadoo maalin walba magaalada Muqdisho ay gaaraan gaadiid faro badan oo sida qudaarta ay beeraan dadka ku dhaqan deegaanka Xawaadley iyo deegaanada u dhow dhow.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!