Xaalada degmada Wanlaweyn oo degan kaddib markii ay xalay gudaha u galleen Al-shabaab

by admin | Sunday, Jul 5, 2015

Wanlaweyn : HN :–Wararka naga soo gaaraya degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in saakay halkaa ay ka jirto xalaad deganaasho, kaddib markii uu dagaal ku dhaxmaray xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidammada dowladda Soomaaliya.

uddoomiyaha Wanlaweyn, Isaaq Maamow Caliyow ayaa sheegay in xalay ay Al-shabaab gudaha u soo galeen qaybo ka mid ah degmada, ayna saacado kaddib ka baxeen degmada.Degmada_Wanlaweyn_Somalia_HOL

“Xalay 9:30 Fiidnimo ayay Al-shabaab soo weerartay Degmada Wanlaweyn, qaybo ka mid ah degmada ayayna gudaha u soo galeen, balse 11:00 habeennimo ayay dib uga baxeen, kaddib dagaal culus oo dhacay,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Wanlaweyne oo warbaahinta la hadlay saaka.

Sidoo kale, Goobjoogayaal ku sugan degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in xalay ay Al-shabaab dadka degmada kula hadleen Masjidyada, xilligii lagu jiray Salaadda Taraawiixda, iyagoo khudbado kaddibna isaga baxay degmada.

Degmada Wanlaweyn ayaa la sheegayaa in xaaladdeedu ay sakaay tahay mid aad u deggen laguna arkayay gudaha degmadaas ciidanka DF Somalia oo si caadi ah u wata howlahooda.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Al-shabaab ay la wareeg-tay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay ka mid ahaa goobihii ay gacanta ku hayeen ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!