Xaalada Guri-ceel oo degan iyo diyaar-garoow dagaal oo wali ka muuqada labada dhinac

by admin | Friday, Feb 13, 2015

Muqdisho : HN :– Inkastoo xaalada degmada Guri-ceel maanta oo Jicmo ah tahay mid degan, ayaa haddana dhinaca kale marka aad eegto waxaa jira diyaar-garoow dagaal iyo abaabul ciidan oo ay sameynayaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Qof ku sugan degmada Guri-ceel oo la hadllay Hiiraan Net ayaa sheegay in waqtiga uusan jirin wax dagaal ah oo ka socda degmada, hasse ahatee mar walba la fillan karo dagaal dhaxmara dhinacyada iska soo horjeeda oo hellaya gurmadyo ka imanaya qeybaha kala duwan ee gobolka.

Saraakiisha labada dhinac ayaa siddoo kale warbaahinta isku marinaya hadalo hanjabaadyo ah oo dhinac walba kan kala ugu goodinayoDegmada_Guriceel_Gobolka_Galguduud in uu ka taqlusi doono.

Odayaasha iyo waxgaradka ku sugan degmada Dhuusa-mareeb ayaa ugu baaqay dhinacyada iska soo horjeeda in ay xabada joojiyaan wixii khilaaf ah ee jirana ku badaalaan wadda hadal.

Saraakiisha Ahlu Sunna ayaa dhinacooda warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in marnaba  aysan gorgortan ka galli-gali doonin gacan ku heynta degmada Guri-ceel oo ay ka xoriyeen Al-shabaab.

Lama oga sidda saacadaha sidda ay wax isku badali doonaan waxaana jira baaqyo nabadeed oo loo jeedinayo dhinacyada iska soo horjeeda.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!