Xaalada magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo degan

by admin | Thursday, Jul 23, 2015

Baardheere : HN :– Wararka ka imanaya magaalada Baardheere ee xarunta u ah gobolka Gedo, ayaa sheegaya in saakay halkaa ka jirto xaalad deganaasho kaddib markii ay maalintii shalay la wareegeen ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM.Gedo

Saraakiisha dowladda ee qeybta ka ah howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidammadu gudaha magaalad wadda-gallin, iyaga oo fariisimo ka dhigtay daafaha degmada, taasoo ah arrin fursad siineysa dadka shacabka ah.

Jen Yuusuf Cismaan Dhuumaal oo ka mid ah saraakiisha horkaceysa ciidammad, ayaa sheegaya in waddaa wax uu ugu yeeray sifeyn iyo magaalada laga baaro haraadiga Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in degmada Baardheere ay u sahleyso inay uga sii gudbaan Gobolka Jubadda Dhexe, waxaana uu intaa ku daray in ciidamada ay isu diyaarinayaan duulaan labaad oo ku wajahan gobolkaas.

Xaalada degmada Baardheere ayaa ah mid degan, waxaana dad fara ku tiris ah oo ku haray degmada ay sheegeen in xalay magaalada ay aheyd mid haawaneysay, ciidamadana ay gaaf wareegayeen xaafadaha qaar.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!