Xaalada magaalada Beledweyne oo saakay degan

by wadani | Monday, Dec 14, 2015

Beledweyne : HN :– Xaalada magaalada Beledweyne ayaa saakay degan kaddib dagaal culus oo maalintii shalay ku dhaxmaray xaafadda Howl-wadaag labo maleeshiyaad ka soo kala jeeda beellaha Gaaljecel iyo Jejeelle.

Inkastoo xaalada magaalada degan tahay hadda dhinaca kale marka aad eegto guud ahaan xaafadda Howl-wadaagBeledweyne_Hiiraan waxaa ka taagan foogjignaan dheeraad ah maadaama ay wali isa soo hor fadhiyaan maleeshiyaadii uu dagaalka dhaxmaray, waxaana ay dadkii fara ku tiriska ahaa ee ku harsanaa xaafadda bilaabeen in ay subaxnimadii hore ee saakay isaga soo baxaan halkaa.

Waxaa dhinaca kale soconaya dadaallo nabadeed oo ay waddaan odayaasha dhaqanka oo uu horkacayo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif kuwaa oo fariin u dirray waxgaradka labada dhinac iyaga oo ka dalbaday in ay wadda hadal isugu yimaadaan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!