Xaalada magaalada Gaalkacyo oo degan iyo dadaallo nabadeed oo wali socda

by wadani | Friday, Dec 4, 2015

Gaalkacyo : HN :– Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in saakay oo Jimco ah xaalada magaalada dega tahay, kaddib dagaal culus oo maalintii dhaxmaray ciidammo ka kala tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug.

Waxaa soconaya dadaal nabadeed oo ay qeyb ka yihiin odayaasha, waxgaradka iyo culumaa’udiinka ayaa labada dhinac kuwaa oo ugu baaqaya dhinacyada iska soo horjeeda in ay adkeeyaan hishiiskii magaalada lagu kala saxiixday Arbacadii aynu soo dhaafnay.

Madaxda Puntland iyo Galmudug ayaa kormeeray goobihii lagu dagaalamay, waxaana ay taliyeyaasha ciidamada ku Gaalkacyo22amreen in la kala qaado, waxaana labada Mas’uul shalay gelinkii dambe ku kulmeen gaari gudihiis oo ah kuwa aan xabada karin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddiga uu u magacaabay xalinta xiisada Gaalkacyo ayaa wali ku dadaalaya sidii labada dhinac heshiis waara u gaari lahaayeen, isla markaana la sii wado wada hadalada lagu dhameynayo colaada.

Guddiga ku howlan dhameystirka heshiiska Gaalkacyo ayaa maanta mar kale guda geli doona inay kala qaadaan ciidamada, waxaana howsha kala qaadista ciidamada is hor fadhiya hogaamin doona Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Ugu danbeyntii, dagalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxaa ku dhintay illaa sodomeeyo ruux, halka tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen, waxaana magaalada ka barakacay in ka badan afartan kun oo ruux.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!