Xaalada magaalada Jowhar iyo xiliga la dooranayo maamulka madaxweynaha Hir-shabelle

by wadani | Saturday, Oct 15, 2016

Jowhar : HN :–Tan habeenimadii xalay waxaa magaalada Jowhar ka soconaya shirar gaar ah oo ay halkaa ku lahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, maamulka gobolka Sh/dhexe iyo siyaasiyiinta musharixiinta madaxweynaha iyo ku-xigeenka maamulka Hir-sabeelle ee maalintii shalay la wareegay xarunta shirka Jowhar.

Xaalada magaalada ayaa ah mid degan, iyadoo ay socdaan kulamo aan loo kala kicin oo lagu xalinayo cabashada qaar ka mid ah Musharaxiinta ka keeneen in habka doorashada loo wado aanay aheyn mid cadaalad ku dhisan, isla markaana musuq maasuq badan iyo nin jecleysi la wado.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo IGAD ee ku sugan Jowhar ayaa kulamo la leh Musharaxiinta cabashada ka keenay habka loo wado doorashada Maamulka iyo fara gelin ay sheegeen inay madaxtooyada ku heyso doorashada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in cabashada qeyb ka mid ah la xaliyay, isla markaana illaa gelinka hore ee maanta lagu wado in la dhameystiro wixii tabasho kale ee ay qabaan Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in gelinka dambe ay filayaan in la dhageysto Khudbadaha Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka, si loo sii ambaqaado doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale waxaa maalinta berri oo Axad ah lagu wadaa inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle, waxaana ka qeyb geli doona Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii, waxaa la qorsheynayaa  in ciidamo dheeraad ah la geeyo goobta ay ka dhaceyso doorashada, si loo sugo ammaanka, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in Ciidamo la dirayo magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!