Xaalka Villa Soomaliya oo qasan iyo wasiirrada oo laga yaabo in saacadaha soo socda lagu dhawaaaqo

by admin | Tuesday, Jan 27, 2015

Muqdisho : HN :– Iyadoo shacaba Soomaaliyeed siweyn ugu dhag-taagayaan ugu danbeyntii waxa ka soo bixi doona kulamo aan loo kicin ee saacadihii ugu danbeeyay ku lahaayeen madaxtooyada ra’iisal wasaaraha iyo taageerayaasha madaxweyne Xassan Sheekh oo hadda fartu-ku-ogdan tahay, ayaa dhinaca kale waxaa ay mashaqo xoog leh ka taagan tahay shaxda cusub ee xubnaha gollaha wasiirrada uu la soo shir tagi doono ra’iisal wasaare Sharma’arke.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in taageerayaasha madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud ee loogu yeero magaca [Damjadiid] damcansan yihiin mar kale in ay la soo shir tagaan xukuumad ka tarjumeysa rabitaankooda siyaasadeed, iyadoo xogaha hoose ee la hellayo sheegayaan in lagaba yaabo wasiiradii laga biyo diiday dhamaantood in ay dib u soo wadda noqdaan.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa shir jaraa’id oo uu shalay qabtay si cad ugu muujiyay dareen markii horeba ay317x238xSomali_PM.jpg.pagespeed.ic.LoLWrIDGka qabeen shacabka oo ah in xukuumada cusub lagu soo darri doono mar kale raga ay sidda weyn isugu dhaw dhaw yihiin ee sababta u ahaa in la kala dirro xukuumadii uu soo dhisay ra’iisal wasaare Sharma’arke kaddib markii ay ka soo horjeesteen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya

Laakiin warar kale ayaa sheegay in afarta wasiir ee la tilmaamay laga yaabo in labo ka mid ah meesha laga saaro halka Faarax Sheekh C/qaadir iyo C/kariin Xusseen Guulleed loo badinayo in ay mar kale ku soo baxaan liiska xubnaha gollaha wasiirada.

Wasiirka maaliyada Xusseen Cabdi Xalane ayaa laftirkiisa la fillayaa in uu marka kale ka mid noqdo xukuumada cusub, madaama uu siweyn ugu dhagan yahay madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud.

C/llaahi Max’ed Cali Sanbaloolshe oo ka mid ahaa wasiirrada la tilmaamay ayaan la ogeyn sidda uu ku soo noqon doono inkastoo la leeyahay waxaa siweyn soo noqoshadiisa ugu olaleynaya madaxweynaha, waxaase suurtagal ah in lagu badallo shaqsi kale oo isla beeshiisa ah.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa durbaba u muuqda shaqsi ku jahwareersan siyaasada madaxtooyada iyo habka wax loo waddo, waxaana jirta baqdi xoog leh oo uu ra’iisal wasaaruhu ka qabo haddii mar kale uu soo magacaabo ragga laga biyo diiday ay xukuumadiisa codka kalsoonida ka weyn doonto baarlamaanka madaama xildhaannada ka soo horjeeda tiro ahaan ku dhaw yihiin 160 mudane.

Dadka siyaasada sidda weyn ugu dhuun-daloola ayaa sheegaya in madaxweynuhu la gudboon tahay markan in uu meesha ka saaro ragga mudada dheer ku soo jiray xukuumadihii is badbadalayay oo qaarkood lagu eedeynayo in ay ka danbeeyeen fashil badan oo ku dhacay xukuumadihii hore sidda xukuumadii Saacid iyo tii ugu danbeysay ee C/wali.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!