Xaalka madaxda sare ee dalka Soomaaliya oo wali cakiran

by admin | Monday, Oct 27, 2014

Muqdisho : HN :– Neefta galka waa ay ka baxsan tahay wax leysku reebanayana ma jiraan  madaxweyne Xassan Sheekh iyo ra’iisal wasaare C/wali mid walba waxaa uu haamaha u biyeeysanayaa dagaal adag oo ugu danbeyntii darbiga leysla soo taaban doono, waayo waxaa muuqata in leys xaniinyo taabtay oo mid walba kan kale weerar cad oo aan geed loogu soo gaban ku soo qaaday.

Guddaha Villa waxaa  laga soo warinayaa in salaanta leysla garab marayo oo xitaa khilaafka labada mas’uul ee ugu sareysa dalka576x432x10736016_10152380842427611_50717543_n1.jpg.pagespeed.ic.6_sKJKAcbv uu saameeyay xubnaha gollaha wasiirrada, waxaana la arkayay xalay madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha oo si lama filaan ah isaga soo hor baxay dariiq yar oo ku yaalla gudaha xarunta madaxtooyada laakiin midba kan kale markii uu arkay jeebka gacanta galiyay si aan salaanba leysugu soo taagin waliba iyada oo wajiyada carro leysaga muujinayo.

Ra’iisal wasaare C/wali ayaa isku arkaya in uu yahay shaqsi si dhab ah u taabtay boogta damqeysa madaxweyne Xassan Sheekh ee ah in xilka wasaarrada garsoorka iyo cadaallada laga qaado wasiir Faarax C/qaadir oo lagu tilmaamo in uu yahay wasiir awood badan islamarkaana leh tallada ugu danbeysa ee xafiiska madaxweynaha.

Halka madaxweyne Xassan Sheekh uu is bidayo in uu yahay shaqsiga ogolaashahiisa mooyee aysan waxba u socon karin ra’iisal wasaaraha, waana tan keentay in uu soo saaro amar uu ku farayo xubnihii gollaha wasiirrada ee leysku badallay in mid walba uu ka sii shaqeeyo wasaaradii uu horay u joogay taasoo uu ula jeeday in Faarax C/qaadir sii ahaanayo wasiirrka cadaallada.

Mar haddii uu xaalku halkaa marayo, meesha kaliya ee looga sii socon karo waa in dhinaca sharciga leysla beegsado labada mas’uulna ku kala baxaan gollaha baarlamaanka dhaxdiisa, inkastoo baarlamaanka laftirkiisa kalsoonida lagu qabi karo iska yar tahay lana og-yahay in ay la kala safan doonaan labada mas’uul siddii marar badan oo hore dhacdayba.

Dadka sidda weyn ugu dhuun-daloola arrimaha sharciga ayaa sheegaya inkastoo ra’iisal wasaare C/wali uu xaq u leeyahay in uu isku shaandheyn ku sameeyo xubnaha gollihiisa wasiirrada in haddana waxa uu sameeyay aan lagu tilmaami karin isku -shaandheyn ujeedaduna aheyd oo kaliya in la jabiyo deyrka ku gadaaman xafiiska madaxweynaha  ama ugu yaraan laga qeylisiiyo Xassan Sheekh si loo ogaado xiriirka dhaw ee ka dhaxeeya isaga iyo shaqsiga lagu xanto ee Faarax C/qaadir.

Meel loo laabtaan ma jiraan, mid walba oo ka mid ah labada mas’uul  hadal ayaa ka tagay, sidda daraadeed waxaa hubaal ah in uu jiro is xulufeysi mid walba uu ku doonayo in uu kan kale uga adkaado, waxaana uu mid walba la tashiyo adag la leeyahay saxiibadiisa ku jira gollaha wasiirrada iyo baarlamaanka.

Eeda ugu weyn ee dhinaca madaxweynaha loo jeedinayo ayaa ah in uu  saxaafada canaan iyo erayo aan sax aheyn u sii marayo ra’iisal wasaaraha dalka, madaama uu isagu yahay madaxii ugu sareyay Qaranka, taa badalkeedana loo baahnaa in arrimaha si hoose loo xaliyo.

Dowladda hadda jirta labo sanno ayaa u dhiman oo waliba loo baahnaa in ay qabato howlo aad u culus gaar ahaan diyaarinta jawi sanadka 2016 u saamaxaya dalka in ay ka dhacdo doorasho xor ah oo dadku codkooda dhiiban karaa, laakiin arrintaa hadda ma muuqato oo waa [Hal Bacaad Lagu Lisay] maxaa yeelay dadka siyaasada odorasa waxaa ay leeyihiin waxaaba adag in ra’iisal wasaaraha hadda jira C/wali Sheekh Axmed uu  sii shaqeyo, taasoo macnaheedu noqonayo bur bur ku dhici doona xukuumada hadda jirta, loona baahan doono in xukuumad kale la soo dhiso, taasoo laftirkeeda u baahan sanad iyo wax ka badan si ay  xaalada  ula qabsato .

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!