Xaaska hogaamiyaha ISIS mid ka mid ah caruurtiisa oo lagu qabtay Lubnaan

by admin | Wednesday, Dec 3, 2014

Lubnaan : HN :– Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada dalka Lubnaan gacanta ku dhigeen xaaska hogaamiyaha ISIS iyo mid ka mid ah caruurtiisa, iyaga oo sidda la sheegay ka soo tallaabay xadka dhinaca Suuriya.

Sida ay shaaciyeen wargeysyada dalka Lubnaan, xaaska Al-Baqdaadi ayaan wali la soo bandhigin magaceeda, hase ahaatee ciidamada ammaanka ayaa su’aalo ku weydiinayay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Wararka ayaa sheegaya in qabashada Xaaska Hogaamiyaha ISIS ay gacan ka geysteen Sirdoono shisheeye, hase ahaatee lama sheegin dalka uu yahay.

Qabashada xaaska Al-Baqdaadi ayaa ku soo aaday, iyadoo Kooxda ISIS ay gacanta ku hayaan ilaa 20 ka tirsan Ciidamada Lubnaan oo ay al-baghdadi-isilhoray gacanta ugu dhigaan.

Abubakar Al-Baqdaadi ayaa warar soo baxay bishii hore sheegayay in lagu dilay weerar cirka ah, hase ahaatee ISIS ayaa beeneysay, markii diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay duqeeyeen kolonyo mareysay duleedka magaalada Mosul.

Al-Baqdaadi ayaa bishii June isku magacaabay Amiirka Khilaafada Islaamka, waxaana cajal uu soo duubay ku baaqay in Folkaanada Jihaadka la gaarsiiyo aduunka oo dhan, kadib markii xulufo uu hogaaminayo Mareykanka ay bilaabeen weeraro ka dhan ah.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!