Xabad joojin la dhax-dhigay dhinacyadii ku dagaallamay degmada Dhuusa-mareeb

by admin | Monday, Dec 15, 2014

Dhuusa-mareeb : HN :– Wararka ka imanaya degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah gobolka Galguduud ayaa sheegaya in durbaba wada hadallo iyo waan -waan laga dhax bilaabay dhinacyadii dhawaan halkaa ku dagaallamay ee dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna.

Dadaaladan la doonayo in lagu xaliyo colaada ayaa waxaa wada odayaal iyo waxgarad uu hormuud u yahay Ugaas Beesha Ceyr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Nuur, waxaana ay ku guuleysteen in labada dhinac ay xabada joojiyaan.

Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Nuur ayaa sheegay in mudada saddexda cisho ee ay xabad joojinta kala dhex dhigeen ay rajeynayaan inDSC00744 colaada lagu soo afjaro, isla markaana wada hadalada sii wadaan.

“Dadka dagaalamaya waa dad walaalo ah, waxaan sameynay dadaal ah sidii dhiiga daadanaya loo joojin lahaa, waxaa kala dhex dhignay xabad joojin saddex maalmood ah”ayuu yiri Ugaas Xassan.

Ciidammo taabacsan dowladda Soomaaliya iyo garab ka mid ah Ahlusuna ayaa ku dagaalamay jimcihii iyo Sabtidii degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb, waxaana dagaalkan uu salka ku hayay muran ka dhashay maamul u sameynta Gobolada dhexe,

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!