Xabsiga Guantanamo Bay oo ku dhaw in albaabada leysugu dhufto

by admin | Thursday, Jul 23, 2015

Washington : HN :– Xabsiga Guantanamo Bay, oo ka mid ah xabsiyada ugu ciqaabta kulul dunida laguna xirro dadka dowladda Mareykanku u heysato falalka argagixiso, ayaa la leeyahay xiligan waxaa uu qarka u saaran yahay in gabi ahaaba la xirro.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in meel gabo gabo ah uu marayo qorshihii lagu xiri lahaa 130502_VFC_GUANTANAMO.jpg.CROP.rectangle3-largexabsiga Guantanamo Bay.

Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa horay amar ugu bixiyay in la xiro xabsiga, maalintii ugu horeysay ee uu xafiiska Madaxweynaha uu fariistay.

Hassa ahaa dhinaca kale marka la eego waxaa arrinta ka hor yimid Aqalka Congress-ka oo walaac ka muujiyay in maxaabiista xabsigaas loo soo wareejiyo gudaha dalka Mareykanka.

Maxaabiis badan oo ku xirna xabsigaas ayaa la sii daayay, waxaana badankood la geeyay dalal ay asal ahaan ka soo jeedaan iyo dalal kale.

Marka la eego xabsiga waxaa ku jira oo lagu hayaa maxaabiis aan ilaa iyo hadda cadaalad helin ama aan maxkamad la horkeenin, waxaana kuwo ugu badan laga soo qabtay dalalka Ciraaq, Afghanistan, Pakistan iyo dalal kale.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!