Xafiis Dawacada qaabilsan oo Xijisiinaya 150 Muslimiin Cusub ah

by Yahye | Sunday, Oct 21, 2012

Maadama lagu jiro xili xili Muslimiintu ay aad ugu mashquulsan yihiin Cibaadeysiga Bishan Xajka ama Gudashada Xajkaba ayaa waxaa Sanadkaan aad usii batay Xujaay Islaamka ku cusub kuwaasoo fursad u helay inay isla Sanadkaanba ka mid noqdaan kuwa nasiibka u helay Gudashada Waajibkaas qiimaha badan.

Wadanka Sacuudiga oo ah meel ay Dad badan oo Ajaannib ah u shaqo tagaan Sanad walba ayaa waxaa ka jiray Sanadihii ugu dambeeyay Wacyi galin iyo Aabaabul ku wajahan Ajaanibta si  joogitaanka Wadankaas ay ugu noqoto fursad wanaagsan islamarkaana laga digtoonaado dhaqan xumada laga yaabo inay qaarkood la yimaadaan Wadankaas .

Waxa ayna Masuuliyiinta Sacuudiga, Culimada iyo Aqoonyahanka Wadankaas diyaariyeen daraasado waxtar leh si looga faaiideesto Cilmiga iyo Xooga Ajaanibta islamarkaana loogu faaiideeyo Diin ahaan ama Dhaqan ahaan inta ay joogaan Wadankaas, waxaana Dowlada Sacuudiga diyaarisay Barnaamijyo laba qeyb ah.

A-    Barnaamij ku wajahan soo galootiga Muslimiinta ah si loo kobciyo aqoontooda Diinta Islaamkaaana looga hortago wax walba oo Dhaqan ahaan ama Amni ahaan dhibaato u leh Wadankaas sida Ganacsiga Daroogada, Jaadka, Dumarka ama Sameynta Sixirka, Faafinta Bidcada iyo arimaha Nabada wadankaas wax u dhimi kara.

B-    Barnaamijka qeybtiisa Labaad waa mid si gaar ah u quseeya soo galootiga aan Muslimka aheyn kana shaqeeya Wadankaas kuwaasoo loo diyaariyay Buugaag ku TRurjuman Luqadahooda loona Furay Xafiisyo qaabilsan Wacyigalinta Jaaliyadaha aam Muslimiinta aheyn si loo gaarsiiyo Diinta maadama aysan Diin Xaq ah heysan.

Hadaba Dadaalakaan ay sameysay Doowlada Sacuudiga haba yaraadee  ama biloow soo daahayba ha ahaadee waxaa dhaqsaaba muuqata in uu saameyn wanaagsan ku yeeshay Ajaanibta wadankaas ku nool, waxaana lasii saadaalinayaa in Barnaamijta noocan oo kala ah ay Mustaqbalka fogna miro wanaagsan ku yaeelan doono Ajaanibta iyo Saciidiyaankaba.

Xafiis Qaabilsan Kaalmeynta iyo Dacwada Jaaliyadaha aan Muslimka aheyn ee ku yaala Magaalada Caasimada ah ee Riyaadh Xaafada Rabwa ayaa Diiwaan galiyay inay Sanadkaan soo Muslimeen 150 ruux oo u kala dhashay Wadamada Filibiin, Hindiya, Siirilanka, Shiinaha, Indoonisia iyo Ingiriiska, waxa uun a Xafiiskaas sheegay inay 150 kan ruux ka mid noqonayaan Xujaayda Sanadkan.

Arintaana waxa soo qoray website loo yaqaan alsmrh ee soo baxay shalay oo taariikhdu aheyd 19/10/2012 kaasoo sheegay in Xafiiskaas ku yaala Riyaadh uu u sameeyay sanduuq uu dhaqaale ugu aruuriyay Muslimiinta cusub si ay usoo gutaan Xajka ayagoo sheegay in Ruuxiiba in loo qorsheeyay lacag dhan 6500 Riyaalka Sacuudiga ah.

Waxaa ay arimahaan ku saabsan Dadka Cusub ee soo Muslima Maalin walba iyo Sanad walba sii kordhidooda muujinayaan inuu Diinka Islaamku yahay Diin xaq ah isla markaana waafaqsan Fidrada Insaanka Caalamka meel kasta uu ka joogoba.

 

W/Q: Sh Calinuur Xoogsade

asadxg@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!