Xafiiska QM oo sheegay in cidna wax uga noqon qaraxii Muqdisho

by admin | Wednesday, Dec 3, 2014

Muqdisho : HN :– Howlgalka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM) ayaa xaqiijiyay in kolonyo gaadiid oo ay saarnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay qarax gaari lagula eegtay meel u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay inaanay jirin dhaawac ama dhimasho soo gaaray shaqaalaha QM, balseairpors-8 waxay muujiyeen siday uga xun yihiin khasaaraha qaraxa uu u geystay dadka rayidka ah iyo ciidanka ammaanka.

Xafiiska UNSOM ayaa sheegay inuu kala shaqeynayo dowladda baaritaanka ay ku hayso weerarkii saaka dhacay.

Inta la og-yahay ilaa shan ruux ayaa ku dhimatay weerarka oo uu geystay qof isa soo miidaamiyay oo watay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ku dhowaad 10 kalena way ku dhaawacantay.

Weerarka ayaa siddoo kale ku soo beegay wax yar uun kaddib xili uu garoonka diyaaradaha Muqdisho ka dhoofay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo ku sii jeeday Baydhabo.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!