Xafiiska TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho oo la fasaxay

by admin | Monday, Oct 12, 2015

Muqdisho : HN :–Dowladda Soomaaliya ayaa dib u fasaxday howlihii xafiiska TV-ga Universal ee magaalada Muqdisho, kaddib markii todobaadkii hore ay albaabada isugu dhifteen ciidamada sirdoonka Qaranka Somalia.

Howgelidda xafiiska telefishinka ayaa ku timid wadahadal dhex-maray maamulka TV-ga, wasaaradda warfaafinta iyo hay’adda nabad-sugida Qaranka, iyadoo horay loo sii daayay wariyeyaashii TV-gan ee la xiray toddobaad ka hor.Unversal_tv_Dood_Wadaag_660

Agaasimaha Universal TV ee Bariga Afrika, C/llaahi Xirsi Kulmiye ayaa sheegay inay dadaal u galeen sidii xafiiskii telefishinka uu howlihiisa dib ugu billaabi lahaa, isagoo intaas ku daray in howshaas billaabeen markii lasii daayay.

“Haatan xafiiska tv-ga Universal ee Magaalada Muqdisho dib ayaa loo fasaxay, waxaana innaga, wasaarada warfaafinta iyo nabadsugida sidii ay wada-shaqeyni noo dhex-mari lahayd, wixii dhacayna laga gudbo. Waxaana heshiiska ka mid ah inaan ka shaqeynno wacyi-gelinta bulshada iyo dhiirri-gelinta nabadda,” ayuu yiri C/llaahi Xirsi.

Sidoo kale, C/llaahi Kulmiye wuxuu xusay in telefishinka uu sii wadayo wada-shaqeynta uu la leeyahay wasaaradda warfaafinta Somalia.

“Telefishinka Universal waa mid loo leeyahay oo ka madax-bannaan dowladda, waxaa hoos-tagnaa wasaaradda warfaafinta, waxaan ku heshiinay wax Alla iyo wixii horumar u keenaya dalka iyo dadka Soomaaliyeed, is faham noocaas ayaa yimid,” ayuu yiri agaasimaha Bariga Afrika ee Universal Tv.

Ugu dambeyn, waxay ahayd bishan billowgeedii markii ciidamada nabad-sugidda Qaranka ay xabsiga dhigeen agaasimaha Bariga Afrika ee Universal Tv iyo Cawil Dahir Salaad, iyadoo arrimaha loo xiray ahayd dood ka baxday telefishinka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!