Xafiisyada dowladda oo laga mamnuucay luqad aan af-somaliga ahayn in wax lagu qoro

by admin | Wednesday, Jan 21, 2015

Muqdisho; HN;- Munaasabada lagu weyneynayay 42-guurada ka soo wareegtay qoriska iyo isticmaalka Afka hooyo waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Xafladan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheikh Maxamud, godoomiyaha barlamaanka Jawaari iyo xubno wasiiro ah, madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu goobta ka sheegay inay mamnuuc tahay inaan waxaan ahayn Afka Soomaaliga lagu isticmaali karin xafiisyada Dowlada hadiise qoraalku yahay mid lagula xiriirayo shisheeye kale waa la ogolyahay.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in dib u dhis lagu sameyn doono goobaha taariikhiga ah ee hodanka uu ku ahaa Afka Soomaaliga sida madxafka iyo tiyaatarka qaranka.

Inta badan xafiisyada Dowlada ayaa laga isticmaala Afafka qalaad, iyadoo Af-ka Soomaaliga uu noqday mid sii dabar goáya maadama aan isticmaalidiisa aad u yaraatay, Iskuulada wadanka ka jira ayaa xitaa waxaa lagudhigtaa luqadaha qalaad sida Carabiga iyo Ingriiska.

Dowladii kacaanka ayaa 1972 ku guuleysatay inay hirgeliso barashada afka Somaliga, waana raadadka ka dambeeya taliskii ciidamada ee uu hogaamin jiray allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!