Xagee Marahayaa Mashruucii hormarinta degmada Dhanaan Maxay se tahay in loo diyaar garoobo. (Warbixin xasasi)‏

by Yahye | Wednesday, May 16, 2012

Mashruuca hormarinta degmada dhanaan

(Denan project)

Mashruuca dhanaan(denan project) ee hormarinta bulshada oo ay dhaqan galiso hayada Ogaden Welfare and Development Association OWDA, ayaa ha isha iyo halbowlaha ay ku fadhido bulshada ku dhaqan degmada dhanaan taas oo maaraynaysay bulshada ku dhaqan degmadadhanaan mudo dheer.

Mashruucan oo waxa uu si xowli ah uga shaqaynyay degmada dhanaan ee Gobalka Godey sideedii sane ee laso dhaafay waxana ka faa idaystay boqlaal kun oo qof kuwaas oo uu gar gaar dhanwalba leh u fidiyay hadya noqon lahayd caafimaad,waxbarasho iyo kabida nolashaba.

Mashruucan waxa uu ka koobanyahay 5 qaybood oo ka la ah caafimaadka,waxbarashada,hormarinta biyaha,beeraha,iyo mashruuca wax soo saarka kuwaas oo dhamaantoodba midha dhalay kana jiba keenay waajibaadkii loo sameeyay ugana faa idayay bulshadii u baahnayd .

Ta oogu muhiimsan waa adeegyada aas aasiga ah ee caafimaadka oo ay dhaqan galiyaan shaqaale xirfad leh oo uu hormuud u yahay dhaqtarka caafimadka ee uu saldhigiisu yahay dhanaan.(denan health center) waa magaca isbitaalka guud ee degmada Dhanaan kaas oo maareeya bukaano farabadan daboolayna baahida bulshada inteeda badnayd.

Dhanaan waa degamada kali ah ee gobalka soomalida ee hesha adeegyo caafimaad oo lacag la,aan ah sidoo kale dhanaan waa dagamada kali ah ee haysta dhaqtar caafimaad madaxii hore ee waxda caafimaadka ee gobalk aaya ku amaanay degmaada dhanaan in ay tahay degmada koobaad ee gobalka ee kalinta koobaad kagasha dhanka caafimaadk heshana adeegyo dayaysan oo caafimaad .

Xarunta caafimaad ka dhanaan(Denaan health center) waxay hoos timaadaa hayada OWDA taasoo bixinaysay adeegyo muhiim ah sida Caafimaadka iyo Nafaqaynta dadka liita si lacag la,aan ah taasi waa sbabta uu uga dunwan yahay mashruucani mashruucayadii hore ee alga hiragaliyay degaanka soomalida .

Mashruuca caafimaadka waxa uu ka koobanyahay sadex qaybood(3)oo kala duwan kuwaaas oo kala ah OPDS.EPL oo kuqalabaysan solar,shidaal iyo firiijyada(refrigerator) kushaqeeya korontada MCH oo leh qol qaada 20 bukaan oo ay yalaan sariiro casri ah ,qaybta quudinta,waaxada(emergency) amerjinsiga,iyo ambalas joogta ah,shaybaar,farmashi,TB,iyo barashada caafimaadka .

WAAXDA WAX BRASHADA/EDUCATION COMPONENT

Hayada OWDA waxay kasoo kiraysatay magalada godey labo macalim sanadii 2008 dii labadan macalim waxay si wacan u bixiyaan adeegyada wax barashada iyo mas,uuliyada saran waxsayna u faa iideeyeen ubadn badan oo reer dhanaan ah.

Waxayna anqariyeen oo ay waxbareen boqolaal araday oo maanta si heer sare ah wax oogu bartay degmaa dhanaan sidoo kale dugsiga hoose ee dagamada dhanaan waxaa lasiiyay adeegyada wax barashada oo ay kamid tahay kuraasta ay ardaydu ka fadhiisato sidoo kale waxaa abaal gud lasiiyay ardayda uugu haraysa ee 9 iyo 10.

WAAXDA BIYAHA/WATER

Abaaraha iyo biyo la,aantu waa caqabad joogta ah oo laasintay Bulshada ku dhaqan degmada dhanaan waxana jira 2 bo xili roobeed sanadkiiba kuwaa bisha septemper ilaa bisha December kn kalana waa april ilaa june .

Roobku joogta ma ahaan waa uuna tayo yar yahay goobaha qaarna ma helaan xili roobaadka taas I waxay sababtay in ay bulshada dhanaan la

caaryaan biyo laan taas oo saamaysa dadka iyo duunyadaba dadka reer dhanaan oo 80% ah xoola dhaqato ayaa waxaa xoolahoodii inta badnayd dhaafiyay abaaraha daba dheeraday ee kusoo noq noqaday degmadadhanana iyo nawaaxigeedaba.

Si logoa gudbo caqabadaas TDP waxay awooday in ay siiso booyado waa wayn kuwaas oo biyo dhaamin u samayn hayay bulshada reer dhanana waxsayan biyaha ooga soo qadahayeen magalada Godey oo ujrita 75 KM waxaana maarayn hayay booyadahaas biya dhaamnta kawaday degmada dhanana hayada OWDA ee u istaagtay bad baadinta noolasha aadamiga.

Waxaa loosoo jiiday 2006 dii dagmada dhanaan biyo galin taas oo lagu talagalay in ay ka haqab tirto bulshada reer dhanaan kana helaan biyio nadiif ah lakiin markii ladhaqan galiyay sanad gudihii tubooyiinkii waa la la baxay sidaa awgeed marshruucaas waa uu guul daraystay wana uuna fashilmay hayada oo adadaal iyo juhdi dheeri ah kubixisay sidii ay degmada dhanaan biyo kufilan u heli lahayd ayaa waxay 2006dii ku qarash garaysay aduun lacageed oo dhan $250,000 taas oo lagu dhisay Kyadadkii biyaha iyo tuubooyinkii soo xambaari lahaa biyaha iyo station nadii u kala gudbin lahaa xaafadaha taas oo akhiirkii midha dhali wayday.

Sababaha kalifay in uu fashilmo mashruucii 2006 dii loogu talagalay in degmada lagu biyo galiyo.

Sababaha oogu waa wayn ee faashiliyay mashruucaas waxa uu kadib injineeradii hagaajinhayay ceel biyoodka makrii ay shaaca ka qaaden in uusan ceelku ku filayn degmada taas oo dadkii iyo hayadi kharashku kaga baxayba niyad jabisay.

Hayada OWDA wali kama hakanin kamana aysan daalin dadaalki ay ilaa 2006 dii oogu jritay in ay degmada dhanaan mar uun hesho biyo kufilan iyada oo taas kaduulaysay ayaa waxay wadanka dibadiisa ka keentay nin u dhashay wadanka Swiz-land ee Eurpe waxa uuna Cilmi baadhis kumasameeyay sanadii 2011 kii waxaa la ogaaday in Ceelka Kore biyihiisa la kordhin karo hadii hoos loo sii qodo lana sameeyo baraago ama harooyin taas waxaa lagu guulaysan karaa hadya bulshada rer dhanaan kawada shaqeyaan si bilaash ah marka waa in reer dhanaan u diyaar garoobaan shaqadaas.

Arintaas waxay kor u qaaday rajadii iyo riyadii ay waligeed ku doonaysay hadyada OWDA in ay mar uun degmada dhanan biyo hesho lakiin mashruucan hada biyo galinta logu samaynhayo dhanan waa uukabadalan yahay qabakii hore .

Maxaa looga fadhiyaa reer dhanaan.

Marka koobaad mashruucan sidii horay oo kale ma ahaan hayo waayo hayadu waagii hore way u dhamaystirtay qalbkii iyo tuubooyinkii soo qaadi lahaa biyaha kuwaas oo biyaha kasoo jiidi lahaa 12km hadase waxay hayadu soo bandhigtay shurudahan hoos ku qoran.

(A) In ay bulshada reer dhanaan dhaqaale iska soo aruuriyaan dal iyo dibad ba si loo hirgaliyo howshaas dhaqalahaasna waxaa lagu soo hagaajin community ga degmada dhanaan mana ahana doono mid ay maaraynaso kharashaad kaasi hayada OWDA ee waxaa maamuli doona odayasha iyo bulshada reer dhanaan .

(B) In ay dhisaan oo ay hagaajiyaan meelihiii lamarin lahaa tuubooyinka taas micnaheedu waa inay baxshaan qarashaadka kubaxahaya arintaas .

(C) In ay soo iibiyaan tuubooyinkii lagalin lahaa oo ay kasoo gadaan qaraashka ay iska soo aruuriyeen.

Reer dhanaan ma awoodaan in ay howshaas fuliyaan?

Su,aasha waa tu kusoo dhacaysa dhagaha dad badan oo rer dhanaan ah jawaabteeduna wa tu adag waxana la odhan kara haa way awoodan lakiin shardi kaas oo ah in ay uwada guntadaan dhamaan quraba joogta degmada dhanaan waa in ay bilabaan ol ole si loga faa iidaysto mashruucaas lana dhiri galiyo dadka kasoo jeeda degmada dhanaan iyada oo loo saarhayo arintan gudiyo kasoo aruuriya dhaqaalaha jaaliyaadka reer dhanaan ee ku baahsan caalamka

BEERAHA/AGRICULTURE.

Degmada dhanaan oo uu alle kumanaystay dhulbeereed wax soo saar leh ayaa waxay bulshada caqab ku hayay tasjiilaadkii ay kutabcan lahayeen beeraha oogana faa iidaysan lahayeen

dhulbeereeda qaaliga ah ee uu alle kumanaystay iyga oo dhul badan u tabar waayay in ay ku falaan gacmahooda oo ay oga soo banaan baxeen (jrid ama xule)

Hayada OWDA waxsay u soo gaday degmada dhanaan cagaf cagaf(taran teero)qalabaysan si ay u isticmalaan beeralayda reer dhanaan horaantii waxaa beeraha lagu fali jiray gacmaha iyaga oo isticmaali jiray badaylo iyo yaan booyin hayada OWDA waxay aas aastay iskaashatooyin (group)kala duwan si ay u caawiso cagag cagafta logu deeqay in kabadan 150 hecter oo dhul beereed ah ayaa loo falay jilaalkii lasoo dhafay marshruucan waxa uu kor u qaday wax soo saar ka beerlayda taas oo sare u qaday heerka nolaleed ee bulshada reer dhanaan.

Sidoo kale hayada OWDA waxay ka gadatay rashiinkii ay soo saareen beeralada reer dhanaan si ay dib ugu sii qaybiso masaakiinta,hayada iyada ayaa siin jirtay mushaarka darawalka shantii sano ee laso odhaafay darawalka wada cagaf cawfta iyo kirishbooyga lakii hada waxaa larabaa in ay dadku ka bixiyaan lacagta darawalka waqtiga jiilaalka ah ee loo falahayo beerahooda haayaduna waxay bixin mushaarka darawalka inta kale taas oo u dhiganta 8 bilood waa markii ay beeralaydu bixiyaan 4ta bilood ee jilaalka ee ay beerahuudu kusocoto shaqada falitaanka iyo qodista dhulbeereedka,

Bulshada dhanaa waa in ay ka faaidaytaan mashruucan sababtoo ah marjiraan degmooyin kale oo hesto fursadan oo kale hadaysan si fiican uga faa idaysan waayaan cag gacta waa laga waareejin oo waxaa loogayn bulsha kale oo kafaa iidaysata.

Wax soo saarka bulshada

Hayada OWDA waxay bilowday in ay samayso mashruuca wax soo sarka bulshad si ay sare ugu qaado dhaqaalahooda sida in laga ladaymiyo lagaco cadaan ah(long) mashruucana waxa uu ka kooban yahay 6 qaybood(six group) ama 6 iskaashato 3 kamid ahna waxaa lasii yaa lacag dhan 50,000 bir oo ah lagata Ethiopia.

Halka 3 da kalana la siiyo 25000 oo bir Ethiopian bir badankood iskaashatooyinkan waxay awood u yeesheen in ay soo celyaan lagatii daynta lagu siiyay waxayna ssameeyeen faa iido ka badan 70% kaas waa mashruuc lagu guulaystay.

Waa maxay doorka Danwaa Media Netwrok?

shabkada danwaa media network waxay utaagan tahay hormarinta iyo wax u qabadka bulshada rer dhanaan waxayna balan qaadaysaa in ay qurbajoogta iyo bulshada rere dhanaan ee dibada ku maqan u ku baraarujiso in ay degmadooda wax uqabtaan lana kashadaan hayadaha ka howlgala wadankana ay lakashadaan.

Waxay sidoo kale shabakada danwaa media network samaynaysa in ay isku xidho hayadaha hormarka kawada degaanka iyo qurbajogta rer dhanaan si ay wax oogu qabtaan degaankooda ulana kaashadaan hayada mucawimada bixiya.

Anaga oo kolba soo gudbin doonta baahida bulshada iyo wax qabadka hayadaha iyo kolba halka uu wax marahayo.

Warbixintan waxaa nasoo gaadh siiyay warsidaha danwaa media u jogoa magalada dhanaan .

FG.xuquuda sawariada waxaa iska leh Hayada OWDA

With thank Ogaden Welfare and Development Association

Editer by Abdirashiid abdulahi ahmed (dhanaane)

Email dhanaane22@hotmail.com

www.danwanews.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah