Xaliimo Yareey oo la sheegay in lagu xiray Dhuusa-mareeb

by wadani | Friday, Jan 12, 2018

Dhuusa-mareeb : HN :-Wararka hada naga Soo gaaraya Magaalada Dhuusa mareeb ayaa sheegaya in halkaasi Goordhaw Xabsi loo taxaabay Gudoomiyaha gudiga Doorashooyinka Qaranka iyo Wafdi ay Hogaamineyso oo Mudooyinkii Danbe ku Sugnaa Deegaanada Galmudug.

Wararka ayaa Sheegaya in Gudoomiyaha iyo Wafdigeeda Xabsiga loo taxaabay ka dib Markii ay halkaasi ku tageen Safar Shaqo oo ay Doonayeen in ay Xog uruurin kaga Sameegaan Dadka halkaasi ku nool Doorashada la Filayo in Dalka ay ka Dhacdo.

Xaliimo Ismaaciil iyo xubno la socday ayaa la sheegay in ay Ciidan ku xireen Dhuusa Mareeb, Wararka qaar ayaa sheegaya in Wafdi Gudiga Doorashooyinka iyo ilaaladooda la jir dilay wixii ay wateena la jajabshay .

Gudiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Mudooyinkii Danbe Waday Safarro ay ku kale bixinayaan Gobolada Dalka taasi oo loogu Gogol xaarayo Doorashada Dalka ka dhici Doonta Sanadka 2020 –ka

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!