Xarrakada Al-shabaab oo afduub ka geysatay meel ku dhaw degmada Beled-Xaawo

by admin | Friday, Nov 7, 2014

Gedo : HN :–Rag hubeysan oo  la sheegay in ay ka tirsan  yihiin Al-shabaab ayaa maanta ka afduubtay deegaanka Cas-caseey oo ku dhow degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo shan ruux oo saddex ka mid ah ay ahaayeen dhakhaatiir.

Dhakhaatiirtan iyo labada kale oo ahaa darawalladii u waday laba gaari oo ay waten ayaa sida la sheegay ka yimid degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari-Kenya; iyagoo kusii jeeday degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo u socdeen.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in dhakhaatiirta iyo darwalladoodii loo kexeystay deegaan lagu magacaabo Gadoon-dhawe oo kuCORRECTION-SOMALIA-UNREST-SHAHAB yaalla inta u dhexeysa degmooyinka Balad-xaawo iyo Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Deegaankan ayaa ka mid yahay deegaannada ay gobolka ee ay weli ka taliso Xarakada Al-shabaab, iyadoo mas’uuliyiinta deegaanku ay sheegeen inay hadda socdaan dadaallo lagu doonayo in dhakhaatiirtan lagu sii daayo.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in dhakhaatiirtan oo dhammaantood Somalia ah ayaa ka soo laabtay siminaar ay kusoo qaateen dalka Kenya, lamana oga sida Xarakada Al-shabaab ay ka yeeli doonto dhakhaatiirtan.

Ma jiro hadal illaa hadda kasoo baxay Al-shabaab, iyadoo ay tani noqonayso markii ugu horreysay sannadkan oo ay Al-shabaab gacanta ku dhigto dhakhaatiir Soomaaliyeed oo kasoo laabtay Kenya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!