Xarrakada Al-shabaab oo bandow ku soo rogtay degmada Xarar-dheere

by admin | Saturday, Jan 3, 2015

Mudug : HN :–Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab Bandow ku soo rogeen degmada oo ah tan kaliya oo ay ka maamusho gobolka Mudug.

Bandowgan ayaa xalay si rasmi ah uga dhaqangalay, kaasoo billaabanaya 9:00 fiidnimo, iyadoo saraakiisha Al-shabaab ay sheegee in bandowgan uu socon doono muddo saddex maalmood ah.

Xoogagga Al-shabaab ee ku sugan degmadaas ayaa bandowgii xalay kusoo qabtay shan qof sida ay sheegayaan goobjoogayaal ku sugan magaaladaas oo warbaahinta Muqdisho la hadlay.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa shacabka degmadaas u sheegay in bandowgan uu yahay mid lagu xaqiijinayo amnigaXarardheere_Gobolka_Mudug_Somalia degmadaas, kaddib markii maalmihii lasoo dhaafay kusoo laalaabteen dagaallo u dhexeeyo beelo halkaas wada-dega.

Dadweynaha ku nool degmada Xarardheere ayaa sheegay inay Al-shabaab horay ugu soo rogtay degmada Bandow ay sheegeen inuu yahay mid ay ku xaqiijinayaan amniga degmada.

Magaalada Xarar-dheere oo dhinaca Koonfureed ee gobolka Mudug ku taalla ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay Al-shabaab ka maamulaan qaybo ka mid ah gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, weli Xarakada Al-shabaab kama hadlin bandowga ay ku soo rogeen degmada Xarar-dheere oo ay ka maamulaan gobolka Mudug ee bartamaha Somalia, iyadoo degmadan ay muddo sannado ah gacantooda ku jirto.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!