Xarrakada Al-shabaab oo beenisay in la qabtay darawalkii waday gaarigii isku qarxiyay dekeda

by wadani | Wednesday, Dec 28, 2016

Muqdisho : HN :- Kaddib markii dhawaan hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka ay soo bandhigeen shaqsi ay ku sheegeen in uu ahaa darawalkii waday gaarigii lagu qarxiyay maqaaxi ku taala ilinka hore ee dekeda Muqdisho, ayaa waxaa arintaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xarakada Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in qofkii fuliyay weerarkii dekeda lagu magacaabi jiray Khaalid Xuseen Maxamed oo ku magac dheer Garaad oo ku dhintay qaraxa.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ninka ay soo bandhigeen NISA aanu aheyn kii ka dambeeyay weerarkaas, isla markaana wax lala yaabo ku tilmaamay in nin 16 maalmood ka hor rabbigii aaday inay dhahaan waa qabanay waa sida lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab.

Ugu danbeyntii, hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa horay u soo bandhigtay ninkii ka dambeeyay qaraxii maqaayad ku taal Liido dhamaadkii bishii Agosto ee sanadkan, waxaa ninkaas uu waxyeelo ka soo gaartay wajiga hore, maadaama siduu uu rabay wax ugu qarxin, gaar ahaan gaarigii waxyaabaha qarxa saarnaa oo qeyb dhan aanay wada qarxin.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!