Xarrakada Al-shabaab oo dhagax ku dishay wiil dhalinyarro ah

by admin | Wednesday, Oct 22, 2014

Shabeellaha hoose : HN :– Deegaan aan la sheegin oo ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa lagu waramayaa in Al-shabaab xukun dhagax ku dil ah ku fuliyeen wiil dhalinyarro ah oo Soomaaliyeed kaasoo ay ku eedeeyeen in uu ku kacay fal kufsi ah.

Wiilka dhagax lagu dllay oo lagu magacaabi jiray  Xasan Axmed Cali oo 18 jir ah ayaa kufsaday gabar lagu magacaabo Faadumo Xasan Maxamuud oo iyana 28 jir ah isagoo adeegsanaya qori caaraddiis.

Maxkamada Al-shabaab ayaa sheegtay in Xasan Axmed uu maxkamadda ka hor qiray dhammaan dambiyadii lagu soo eedeeyay oo ahaaAl_Shabab_Milatent_Somalia inuu kufsi geystay isagoo reer leh, waxaana lagu xukumay in dhagax lagu dilo kaasoo lagu fuliyay.

Saraakiisha Al-shabaab ayaa sheegay in xukunkan loo cuskaday shareecada Islaamka, waxayna xuseen in qof kasta oo ku kaca kufsi haddii uu horey u soo guursaday ama xaas leeyahay ay ku dili doonaan dhagax, hadii uusan horey u soo guursana lagu dhifanayo 100 jeedal oo karbaash xad ah.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!