Xarrakada Al-shabaab oo dib ula wareegtay jasiirada Kudha ee gobolka Jubbada hoose

by admin | Saturday, Nov 8, 2014

Jubbad hoose : HN :– Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab dib ula wareegeen gacan ku heynta Jasiirrada Kudha  ee gobolkaas, kaddib dagaal culus oo halkaa ka dhacy.

Sida ay sheegayaan wararka xoogaga Al-Shabaab ayaa saakay dagaal culus ku qaaday Jaziirada Kudhaa oo tiro dhowr jeer labada dhinac ay kala wareegeen, iyadoo dagaalka saakay uu muddo saacado ah socday.

Ciidamada Maamulka Jubba oo laga saaray deegaanka ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin Jaziirada Ma dhawa oo aan sidaa uga fogeynal-shabaab_somalia1 deegaanka Kudhaa, waxaana la soo sheegayaa in isgaarsiinta deegaanka ay hawada ka maqan tahay.

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka, inkastoo la sheegayo inuu jiro dhimasho iyo dhaawac labada dhinac uu ka soo gaaray dagaalka..

Jaziirada Kudhaa ayaa ilaa 100-KM u jirta magaalada Kismaayo, waxaana deegaankaas uu ka mid ahaa meelihii u dambeeyay ee dhowaan Al-Shabaab lagala wareegay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!