Xarrakada Al-shabaab oo gudaha u gashay qeybo ka mid ah Kenya

by admin | Tuesday, Dec 1, 2015

Kenya : HN :–Xoogaga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in galinkii danbe ee maalintii shalay gudaha u galleen deegaan lagu magacaabo Kambere oo qiyaastii 15-km u jira magaalada Gaarisa, iyadoo boqolaal ciidamo ka tirsan Milateriga Kenya la soo dhoobay xuduuda ay la wadaagaan Soomaaliya.

Tallaabadan ay qaadeen Al-shabaab ayaa noqoneysa tii labaad labaad todobaad gudahooda ku gallaan deegaan ka tirsan gobolka2015117635824578883442553Alshaa waqooyi bari Kenya, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ciidamada ay aad u hubeysan yihiin, dadkana ay u wacdinayaan.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay gudaha u galeen ka taagay calan madow, sidoo kale waxay dadka uga digayeen inay la shaqeeyaan ciidamada Kenya, isla markaana aanay u sheegin inay joogaan.

Saraakiisha ammaanka gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ka soo gudbeen xuduuda, isla markaana ay wadaan howl gallo lagu baadigoobayo dagaalyahanada alshabaab ee xuduuda ka soo gudbay.

Xiriiriyaha Gobolka waqooyi bari Kenya Maxamuud ayaa sheegay inay adag tahay in la sugo amniga deegaanada, isla markaana wadooyinka qaar ay roobabka gooyeen.

Ugu danbeyntii dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab ka wadeen gudaha Kenya ayaa ahaa mid sii xoogeysanayay todobaadyadii la soo dhaafay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!