Xarrakada Al-shabaab oo ku hanjabtay weeraro culus oo ay ka fulin doonaan Muqdisho

by wadani | Thursday, Dec 31, 2015

Muqdisho : HN :-Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegtay in marka la gaaro sanadka cusub magaalada Muqdisho ka fulin doonaan weeraro culus oo ka dhan ah xarumaha dowladda iyo shaqaallaha kala gadisan ee ka howlgala wasaarradaha ay dowladda ka kooban tahay.

Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Al-shabaab Abuu Muscab ayaa warbaahinta ku hadasha afka kooxda ka sheegayabumuscab1 in durbaba kooxihii weeraradaa fulin lahaa ku diyaarsan yihiin gudaha magaalada Muqdisho.

Weerarada ayuu sheegay in ay noqon doonaan kuwo isugu jira qaraxyo iyo dilal toos ah oo ay la beegsan doonaan shaqaalaha dowladda.

Digniinta ka soo baxday Al-shabaab ayaa ilaa hadda waxaa ka hadlin laamaha ammniga dowlada, hasse ahaatee hay’addaha nabad-galyada dowladda ayaa maalmihii ugu danbeeyay xoojiyay howlgaladooda lagu sugayo ammniga.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!