Xarrakada Al-shabaab oo macalin dugsi Qur’aan ku dhishay degmada Buula-burte

by admin | Saturday, Dec 13, 2014

Buula-burte : HN :– Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al-shabaab ku dilleen deegaan hoostaga degmada Macalin Dugsi Qur’aan oo siweyn looga garanayay degmada Buula-burte.

Macalinka la dillay oo lagu magaacaabi jiray Maxamed Macallin Xuseen Cismaan Raage, ayaa la sheegay in ay Al-shabaab madaxa ka gooyeen [Gowraceen]

Duqda degmada Buulo-burte Cismaan Geeddi Cilmi ayaa sheegay in ay meydka macalinka oo la gowrcay ay maleeshiyada soo dhigtayal-shabaab_somalia1 tuulada Qandho oo 70 km u jirta Buulo-buete.

Cismaan Geedi Cilmi ayaa xusay in ehelada marxuunka ay Al-Shabaab u diidday inay qaataan meydka, balse dadaal dheer oo ay sameeyeen dadka deegaanka ayaa lagu guuleystay in laga soo qaado meydka.

Duqa degmada ayaa sheegay in ay Al-Shabaab xadgudub ku heyso dadka rayidka ah ee ku nool tuulooyinka ay weli ku sugan tahay, isagoo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ujeediyay in ay dhibaatadaas ka dulqaadaan dadka rayikd ah.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!